President visits Injured (pictures)

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
Coeus
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11709
Joined: Fri Nov 19, 2010 6:59 pm
Location: Assisting the Mujahideen in Galgala to free their region

President visits Injured (pictures)

Post by Coeus »

Madaxweyne Sheekh Shariif oo maanta Booqday Isbitaalka Xalane Ee Muqdisho (Sawiro)

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa booqasho ku tagay Isbitaalka Xalane, halkaas oo ay ku jiraan dhaawacyo dad rayid ah iyo Askar ka tirsan Ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa AMISOM ee ku soo dhaawacmay dagaalada.

Madaxweynaha ayaa deeq lacageed gudoonsiiyay Bukaanada Isbitaalka ku jiro, sidoo kale waxaa uu booqday Xarun ay leeyihiin Ciidamada Nabad ilaalinta ee ka socda Brundi, oo saraakiishooda la kulmay.
Booqashada ayaa Madaxweynaha waxaa kula wehliyay Ra'iisul wasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhiga Xuseen Carab Ciise iyo Taliyaha Ciidamada Milateriga Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini.

Madaxweyne Shariif ayaa la kulmay Taliye xigeenka labaad ee Ciidamada AMISOM oo ay ka wada hadleen xaaladaha ammaanka iyo howl galada socda, waxaana sidoo kale isla soo qaadeen xaaladaha abaaraha iyo sida dadka wax looga qaban karo.

Hadal uu Madaxweynaha halkaas saxaafada ku siiyay ayuu sheegay in in Al-Shabaab iyo Al-Qaacida aysan dadka u ogoleyn wax nolol ah, isagoo ugu baaqay shacabka inay garab istaagaan Ciidamada Dowladda.

"Waa in shacabka ay hal meel uga soo wada jeestaan Kooxahaas, dalka dhibaatada ku haya, Al-Qaacida iyo Al-Shabaab dadka uma ogola inay nolaadaa, sidaas darteed waxaa lagama maarmaan ah in dalka laga xoreeyo"ayuu yiri Madaxweyne Shariif oo mar kale ku celiyay in howl galadii Ammaanka ay dib u bilowdeen ilaa laga ciribtiro Al-Shabaab aanu joogsan doonin.

Madaxweynaha oo xirnaa dareyska Milateriga ayaa booqashada uu ku tagay Xarunta Xalane oo ah taliska ugu weyn ee looga arrimiyo Howl galka AMISOM ayaa ku soo beegmeysa xilli dagaalo culus ay ka socdaan maalintii 3aad Magaalada Muqdisho.

Image
Image
Image
Image
User avatar
TheblueNwhite
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11301
Joined: Mon Feb 14, 2011 2:34 pm
Contact:

Re: President visits Injured (pictures)

Post by TheblueNwhite »

:up: :up: :up:
User avatar
DropkickMurphy
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 822
Joined: Sat Jul 02, 2011 9:13 pm
Location: Xaafada Iskufilan

Re: President visits Injured (pictures)

Post by DropkickMurphy »

How come he is always wearing over-sized fatigues? :lol: Can't they find something his size? What is the deal with that? Even the damn bulletproof vest he used to love to wear was hanging down to his knees and shit.
User avatar
Coeus
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11709
Joined: Fri Nov 19, 2010 6:59 pm
Location: Assisting the Mujahideen in Galgala to free their region

Re: President visits Injured (pictures)

Post by Coeus »

DropkickMurphy wrote:How come he is always wearing over-sized fatigues? :lol: Can't they find something his size? What is the deal with that? Even the damn bulletproof vest he used to love to wear was hanging down to his knees and shit.
Wardrobe malfunction :P
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”