



Madaxweynaha Somalia oo maanta Muqdisho kula kulmay wafdi ka socday Ururka Midowga Afrika (SAWIRO)
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta kula kulmay Muqdihso wafdi ka socday Midowga Afrika oo uu hoggaaminayay Erastus Mwencha oo ah ku xigeenka xoghayaha Midowga Afrika, wafdigaas ayaa waxaa ka mid ahaa Wafula Wamunyinyi, iyo taliyaha ciidamda Midowga Afrika Jeneraal Fred Mungisha.
Kulaanka oo ka dhacay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa madaxweynaha ku wehliyay guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali.
Intii uu kulanku socday ayaa looga hadlay xaalada abaaraha iyo sidii shacabka Soomaaliyeed loogu gargaaari lahaa. Waxaa kale oo looga hadlay howlaha ay iska kaashanyaan ciidanka Midowga Afrika iyo kuwa dowladda Soomaaliya ee ka socda Muqdisho.
Sheekh Shariif ayaa ku wargeliyay wafdiga inay dagaallada socda sii wadayaan inta Xarrakada Al-Shabaab kaga saarayo Muqdisho oo dhan. Isagoo sidoo kale sheegay inay guulo ka gaareen dagaalladii shalay dhacay.
Madaxweynaha wafdiga u sheegay in Soomaaliya sida ugu dhaqasaha badan wax looga qabto. Wax-qabaashadaasna ay dowladda hormuuud ka noqoto gaar ahaan dhinaca bani'aadamnimada.
Wafdiga ayaa intii aysan ka dhoofin Muqdisho waxay kormeer ku tageen xeryo ay ku jiraan barakacayaal ka badan 1000 qof, kuwaasoo dhawaan soo gaaray Muqdisho, waxayna sheegeen inay gargaar deg-deg ah lasoo gaari doonaan.