
Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Bari
Boosaso ( RBC Radio)
Xaflad balaaran oo xilka kula wareegay gudoomiyaha Cusub ee gobolka bari C/samad Maxmed ayaa maanta ka dhacday xarunta gobolka bari.
Xaflada ayaa waxaa ka soo qayb-galay masuulin ka tirsan dawlada Puntland oo ka mid yaha wasiirka amniga Puntland,maamulka degmada iyo g/ku xigeenka Gobolka oo xilka wareejinayay.
Sii hayaha xilka gudoomiyaha gobolka bari Yusuf Mumin bide oo halkaasi qudbad dheer ka jeediyay ayaa ka warbixiyay gobolka iyo sida xaaladiisa tahay.
Mudane bidde ayaa ku dheeraday xaaladaha dhinaca amniga iyo sida dawlada Puntland ugu jirto dhibaatada aanayinka Qabeel ee muddoyinkii ugu danbeyay hareeyay gobolkan.
Intaasi ka diba ayaa waxaa Warqadaha shaqada kala saxiixday C/samad Maxmed Galan iyo yusuf Mumin Bidde.
Qudbad kooban oo halkaasi ka jeediyay gudoomiyaha gobolka C/samad Maxmed ayaa waxaa uu ugu mahad Celinay laamaha dawalada Puntland ee ku soo dhaweyay xafiiskisa.
waxaana uu sidoo kale amaanay sii hayihii hore ee maamulka gobolka Yusuf Mumin qaabka uu warbixinta uga siiya arimaha gobolka halka ay marayaan iyo geediga gobolka dhinaca maamulka halka uu ku socdo.
Gudoomiyaha Gobolka bari C/samad Maxmed ayaa ku booriyay dhamaan Dadka gobolka ku sugan wada shaqeyn buuxda oo laga Sameyo Arimaha horumarinta Gobolka bari.
Dhinaca kale waxaa halkaasi ka hadlay waxgaradka gobolka Bari qaarkood Ugaas Xasan Ugaas yaasin oo ku booriyay maamulka cusub ee gobolka in uu diirada saaro arimaha amniga Gobolka.
ugaaska ayaa tilmaam ka bixiyay habka ay aanoyinka Qabiil uga dhacayaan deegano hoos yimaada gobolka bari oo sheegay in tahay wax laga xumaado xiligani, waxqabadna ka rajeeya Maamulka Cusub ee Gobolka Bari.
Ugu danbeytiina Wasiirka amniga Puntland Mudane Khaliif Ciise Mudan oo halkaasi ka hadlay ayaa diirada saaray Arimaha Isku Dhaca Labada beelood ee ku dagaalamay deegaano Hoos yimaad gobolka Bari.
isagoona ka codsaday Maamulka cusub in uu ka qaato arimahani kaalinta kaga began,waxaana uu farta ku fiiqay mudane Khaliif halka dhibaatada salka u ah oo ku tilmaamay shakhsiyaadka dilalka geysanaya.
Xafladani ayaa ku soo dhamaatay jawi aad u wanaagsan waxaana shaqo xoog leh hor taala Gudoomiye C/samad Maxmed galan oo la xiriirta hagaajinta iyo heshiisinta labada beelood ee xaalkooda Cirka isku shareeray dhawaan.