Taliyaha Ciidanka Booliska oo Tababar u soo xiray ciidamo Boolis ah
Munaasabad tababar loogu soo xirayay askar ka tirsan ciidamada booliska Soomaaliyeed ayaa shalay lagu qabtay lagu qabtay xarun tababar oo la yiraahdo Jaziira una dhow xarunta weyn ee AMISOM ee ku taal xeradii Xalane ee Magaalada Muqdisho.
Munaasabadaas ayaa waxaa tababar loogu soo xirayay 50 Askari oo ka tirsan ciidamada booliiska gaar ahaan booliska ilaalinta amniga waddooyinka ee loo yaqaano Taraafiko kuwaas oo soo dhameeystay tababar ku saabsan nabadgelyada waddooyinka oo ay bixinayeen qubaro ka socotay ururka midowga Afrika.
Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Shariif Sheekhuna Maye o oka hadlay munaasabadaas ayaa sheegay in loo baahan yahay in ciidamada DFKMG la siiyo tababaro intaas ka sii badan si ay u sugaan nabadgelyada guud ee dalka, wuxuuna sidoo kale ciidankii tababarka loo soo xiray kula dardaarmay inay waajibaadkooda i gutaan si daacadnimo,islaanimo iyo waddaninimo ku dheehan tahay uguna adeegaan shacabkooda si caddaalad ah.
Munaasabadaasi ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeybgaley Wasiiru dowlaha Wasaaradda arrimaha gudaha, wasiir ku xigeenka wasaaradaassaraakiil ka socotay ururka midowga Yurub iyo kan Afrika, saraakiil sare ooka tirsan ciidanka booliska soomaaliyeed. Saraakiisha booliska ee AMISOM u qaabilsan tababarad booliska iyo xildhibaan Ibrahim Isaaq Yarow oo ahaa wasiir ku xigeenkii hore ee wasaaradda arrimaha gudaha.