Magaalada Qardho Oo Maanta Laga Xusay Maalinta 1-Augst

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Magaalada Qardho Oo Maanta Laga Xusay Maalinta 1-Augst

Post by FBISOMALIA »

Qardho (RBC Radio) iyadoo maanta ay si weyn u xuseen dhamaan shacabka Puntland maalinta dhismaha Puntland ee 1-Augst ayaa meelaha laga xusay waxaa ka mid ah Gobolka Karkaar oo ka mid ah gobolada dawlada Puntland.Magalada Qardho ee xarunta gobolkaasi ayaa waxaa iskugu soo baxay shacab farabdan oo dusha u haya calanka Puntland kuna dhawaaqaya hal ku dhigyo ay ka mid mid yihiin Wada jirka Puntland waa Horumaray.

Dadka ayaa iskugu soo aruuray xarunta dawlada hoose ee degmada qardho halkaasi oo qudbado muhiim ah ay ka jeediyeen madaxda Maamulka gobolka karkaar iyo degmada qardho.

duqa qardho Maxmed sicid ciise oo halkaasi ka hadlay ayaa amaan u jeediyay dhamaan shacabka degmda sida quruxda badan ee iskugu soo baxeen maalinta Kowda Augst oo ah Maalinta dhismaha dawalda Puntland.

Maxmed Siciid ayaa intaasi raaciyay in shacabka Gobolka guud ahaan ay hambalyo u dirayaan shacabka Puntland meel ay joogaan oo ay leeyhiin sanad-guuro wanaagsan.

Isagoona sidoo kale ka hadlay bilashada ramadaanka oo sheegay in ay tahay waajib rabi isla markaasin loo baahan yahay in laga hortago cid walba oo xiilyadan isku dayda in ay raashin xaaran ah ku kariso gudaha Degamda Qardho.

Dhinca kale waxaa halkaasi ka hadlay ururrada haweynka gobolka karkaar oo qayb ka ahaa qaban qaabada xuska kowda augst oo maanta ku beegan.

ururada ayaa dhamaan ka mideysnaa wada shaqeyn iyo isku xirnaana dhamaan shacabka Puntland iyo in loo bahan yahay in la joojiyo Lagana hortago Colaada laba beelood ku kala gaadhay qaybo ka mid ah Gobolka bari.

Waxaana ay ugu danbeytii munaasabadan awgeed dalbadeen in la joojiyo wax kasta oo keeni kara kicin dadweyne oo la xiriira colaada labada beelood ee wada daga gobolka bari.

xafladaha maalinta Kowda Augst ayaa waxa ay si toos ah uga wada dhaceen dhamaan gobolada Puntland oo maanta laga xuray maalintasi Qiimaha ugu fadhida shacabka Puntland.
quark
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7820
Joined: Sat Oct 16, 2010 1:22 pm
Location: Xarunta Xisbiga Gooni Isu Taaga Dal udug

Re: Magaalada Qardho Oo Maanta Laga Xusay Maalinta 1-Augst

Post by quark »

8-)
User avatar
CismanMaxamud1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1824
Joined: Sun Jan 02, 2011 11:16 am
Location: SSDF/Kulmis

Re: Magaalada Qardho Oo Maanta Laga Xusay Maalinta 1-Augst

Post by CismanMaxamud1 »

Image :up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”