Somaliland security forces capture suspected killers

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
Coeus
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11709
Joined: Fri Nov 19, 2010 6:59 pm
Location: Assisting the Mujahideen in Galgala to free their region

Somaliland security forces capture suspected killers

Post by Coeus »

Somaliland security forces capture suspected killers in laascanoood


Hargeysa (Somalialnd.Org)- Ciidammada ammaanka ee gobolka Sool ayaa maanta gacanta ku dhigay sadex qof oo ka mid ah dadka loo tuhunsan yahay inay fuliyaan dilalkii bilihii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. Sida uu noo xaqiijiyay Badhasaabka cusub ee gobolka Sool Maxamed Maxamuud Cali.

“Hawl gal ciidamada ammaanka ee gobolka Sool ay fuliyeen waxay xalay ku soo qabteen sadex qof oo ka mid ah dadka ku eedeysan inay fuliyaan qaraxyada iyo dilal ka dhacay magaalada Laascaanood. Waxa qabashadoodu ka dambeysay markii ciidammadda ammaanku ugu galeen guri ay deganaayeen oo ku yaala magaalada Laascaanood,”ayuu yidhi Badhasaabka Gobolka Sool Maxamed Maxamuud Cali, oo caawa aanu khadka Telefoonka kula xidhiidhnay.

Waxaanu intaasi raaciyay “Waxaanu ku soo qabanay dadkaasi baastoolado, bambooyin iyo walxo kale oo loo adeegsado qaraxyada iyo dilalka.”

Badhasaabka cusubi waxa uu sheegay inuu awooda saari doonaan sidii ay nabadgelyada u ilaalin lahaayeen isla markaana wax ka qaban doonaan falalka nabadgelyo darro.
dhinaca kale, ilo madax banaan oo ku sugan magaalada Laascaanood ayaa noo xaqiijiyay magacyada sadexda qof ee la qabtay oo mid ka mid ahi gabadh tahay waxaanay kala yihiin sidan Maxamed Ibraahim Cabdilaahi, Maxamed Faruur Cali Xaad iyo Sahra Maxamed Cumar oo la sheegay inay iyadu soo sahamin jirtay dadka la dilayo.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”