Kulan Wada Tashiya Dhexmaray Culimada & Warbaahinta garowe

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Kulan Wada Tashiya Dhexmaray Culimada & Warbaahinta garowe

Post by FBISOMALIA »

Image

Garowe ( RBC Radio ) : Kulan kan oo ahaa Mid Lagu wacyigelinayey Warfidiyeenadda ayaa waxaa uu ka Dhacay Hoolka Shirarka ee Jaamacadda Bariga Afrika Laanteeda Garoowe, kaasi oo ay soo Qabanqaabiyeen Culimadda Puntland Gaar ahaan kuwooda ku Sugan Garowe & Xubno ka socday wasaarada Cadaaladda Arrimaha Diinta & Dhaqancelinta ee Puntland ,

Dr, Axmed Xaaji C/raxmaan oo ka mida Culimada Waaweyn ee soomaaliyeed Gaar ahaan kuwa Puntland ayaa ugu Horeyn Jeediyey Hadalo isugu jira Waano & Wacyigelin Dhalinta ka Shaqeeya Mihnadda Saxaafadda ee ka Howlgasha Deegaanadda Puntland Gaar ahaan Magaaladda Garowe,

waxaana uu yiri Dr, Axmed “Masuuliyadda ayaa idin ka saran Bulshada aad wax u Tabinaysaa Markaa ku sameeya Tifaftir aad u Baahsan si aad u Dhowrtaan Khaladaadka Dhaca ee u Baahan in la Saxo,

Dr, axmed waxaa kale oo uu ku Booriyey suxufiyiintu in ay ku Dadalan sidii ay Bulshada Ugu Baahin lahaayeen Barnaamijyada wacyigelinta ah sida Ka Hortaga Burcadbadeeda, Mukhaadaraadka & Tahriibta sida looga Dheeraado,

Shiikh C/qaadir Nuur Faarax ayaa Qaatay Hadalka waxaana uu ka Hadlay Heerarka kala Duwan ee ay soo Martay Aaladan oo xiliyada aybtood uu sheegay in la adeegsan jiray in waraaq Qof loogu Dhiibo Meel si Warkaa u Gaaro ama looba Diro Degmadaa nin u soo warama ,

Shiikh C/qaadir ayaa sidoo kale ku Adkeeyey warfidiyeenada in ay Muujiyaan Masuuliyad Dheeri ah ,Muslimnimo,Muwaadinimo si Bulshadu uga Barato Macluumaadka wanaagsan aakhiro & aduunba,

Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf ayaa isna ka Hadlay Faaidooyinka warbaahinta isgoo saxaafada ku Booriyey in ay u adeegsadaan Dhanka wanaaga iyo wax sixidda Dadweynaha xilku ka saaranyahay,

sidoo kale shiikhu waxaa uu yiri isagoo la Hadlaya wariyayaasha “Warkiina Ha ahaado Mid Sugan ,Dhexdhexaad ah idinkuna ajar ayaa ka Helaysaan ,

Sidoo kalena Ilaaliya waxaa aad Baahinaysaan waa in aanay ka soo Horjeedin Diinta Islaamka & Dhaqankeena Wanaagsan,

Shiikha ayaa Carabka ku Dhuftay in aysan wanaagsanay Sheekooyinka la Baahiyo Qaybtood & Filimaanta Turkiga ah ee lagu soo Turjumay Afka Hooyo ee Soomaaliga ,

Dhanka kalana Xubnaha ka socday wasaaradda Cadaaladda & Culimada & Gudiga Amaanka ee Gobolka Nugaal ayaa soo Saaray awaamiin lagu Mamnuucayo Karinta Cunooyinka Xaaraanta ah inta Lagu Gudo Jiro Bisha Barakaysan ee Ramadaan ,

Maxamed Yuusuf Nuur ( M.Xamari ) ayaa jeediyey Fariin ay soo Saareen Masuuliyiinta ka Duwan ee aan soo sheegnay waxaana uu yiri ” Waxaa Reeban in Cidi kariso Cuno aan Banaanayn Xiliga lagu Gudo Jiro Bisha Ramadaan Cidii Lagu Helana waxaa la Waafajinyaa Sharciga ”

Kulanka ayaa waxaa uu kusoo Dhamaaday Jawi Talo wadaag ku salaysan .

RBC Radio
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”