Page 1 of 1

Ceel Biyood Cusub oo laga hirgaliyay Magaalada Burco

Posted: Wed Aug 03, 2011 9:55 pm
by HaragWafi85
Badhasaab ku xigeenka Gobolka togdheer Cabdi Daahir Xasan Oo xadhiga jaray Ceel Biyood Cusub
oo laga hirgaliayay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.


Ceel Biyood Cusub oo laga hirgaliyay Magaalada Burco.
THURSDAY, 04 AUGUST 2011
Burco(Togdhnews)-Badhasaab ku xigeenka Gobolka togdheer Cabdi Daahir Xasan,ayaa xadhiga jaray ceel cusub
oo laga hirgaliayay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.munaasibadii furtaankii ceelkaas oo ka hadlay ayaa si weyn ugu mahad celiyay

hay,adda Ewada ee iyagu hirgaliyay ceelkan,islamarkaana tilmaamay in ceelkani daboolidoono baahidii loo qabay .

waxa Badhasaabku kula dardaarmay dadka degan xaafada laga qoday ceelkan inay ilaashadaan oo uga faaiidaystaan sida ugu haboon.

Sh.Aaadan oo ah gudoomiyaha hayadda EWADA, ee samaysay ceelkan ayaa sheegay in ceelkani qayb ka yahay mashaariicda horumarineed

ee ay ka wadaan gobolka togdheer,uguna tala galeen in ceelkan ay ka faaiidaystaan dadweynaha xaafada iyo dugsiga agoomaha ee ku

yaal xaafada.waxa uu sh.Aaadan aadan u mahadceliyay cidkasta oo gacan ka gaysatay dhismaha ceelkan.

qaar ka mida guddiga xaafadaaasi laga sameeyay ceelka ayaa si weyn u soo dhaweeyay dhismaha ceelkan,iyagoo sheegay in biyolaani

ka jirtay xaafada haseyeeshee aanu rajaynayo in laga rasayndoono biyo la,aantii.

ceelkan oo laga hirgaliayay xaafada maxamed Cali, ee magaalada Burco ayaa daboolidoona baahidii biyood ee ka jirtay qaar ka mida xafad

aha magaalada.hay,adda EWADA ayaa mashaariic kala duwan ka wada degaanka gobolka togdheer.

http://www.togdheernews.com//index.php? ... 2&Itemid=1