High level planning session in Mogadishu (pictures)

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
Coeus
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11709
Joined: Fri Nov 19, 2010 6:59 pm
Location: Assisting the Mujahideen in Galgala to free their region

High level planning session in Mogadishu (pictures)

Post by Coeus »

War-Saxaafadeed: shirkii ugu horeeyey ee golaha wasiirada 04 August

Image

War-Saxaafadeed: shirkii ugu horeeyey ee golaha wasiirada 04 August

Shir ay maanta yeesheen Golaha Wasiirada oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha
Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka
mid ahaayeen barnaamijka xukuumadda, shirka wadatashiga ah ee Soomaalida iyo arrimaha
abaaraha baahsan ee dalka ka jira.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali ayaa u sheegay golaha cusub ee wasiirada in loo baahanyahay 12ka bilood ee soo socda laga howlgalo dhammaan howlaha muhiimka ah ee na wada horyaalla iyo in sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhaqangeliyo
barnaamijka xukuumadda oo ay golaha baarlamaanku ansixiyeen. Arrimaah ay xukuumaddu mudnaanta siineyso ayaa ah Amniga, Dastuurka, Gar-gaarka Bani’aadanimo, Dib-u-heshiisiin dhameystiran iyo maamul wanaag. Ra’iisul Wasaarahu waxuu hordhigay golaha wasiirada.

qorshe-howleed laga diyaariyey barnaamijka xukuumadda, isla markaana uu ka codsaday dhammaan wasaaradahu inay qorshe-howleedkooda waafajiyaan barnaamijka xukuumadda isla markaana horkeenaan golaha wasiirada si looga wada tashto.

Ra’iisul Wasaaraha isagoo ka duulaya baahida deg-dega ah ee loo qabo sidii loo qaban lahaa kulan wadatashi guud oo dhammaan qeybaha bulshada soomaaliyeed ka soo qeybgalayaan oo ay fududeynayaan Qaramada Midoobay ayuu u xilsaaray guddi heer wasiir ah oo ka howlgala sidii kulanka wadatashiga ah uu u noqon lahaa mid miro dhala. Guddiga ayaa waxaa
ka mid ah Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo wasiirada wasaaradaha Dib-u-heshiisiinta iyo Dastuurka, Arrimaha Gudaha, Haweenka, Maaliyadda, Warfaafinta iyo Caafimaadka.

Guddigan ayaa lagu wadaa inay la xiriiraan Qaramada Midoobay si loo dhameystiro qabanqaabada kulanka wadatashiga guud.
Golaha Wasiiradu waxey ka doodeen arrimaha abaaraha baahsan iyo macluusha ka dilaacday waddanka. Golahu waxey soo dhoweeyeen dadaalada aan kala go’a laheyn ee hay’adaha dastuuriga iyo qeybaha bulshada ay ka wadeen Muqdisho 4tii usbuuc ee la soo dhaafay, sida diyaarinta xerada Badbaado iyo hubinta in barakacayaasha la gaarsiiyey raashin iyo daawo.

Sidoo kale waxaa la soo dhoweeyey Hay’ada Maareynta Musiibooyinka oo uu dhowaan Ra’iisul Wasaarahu magacaabay, loona rajeeyey inay howlaha baaxada leh ee horyaalla ay ku guuleystaan. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in loo baahanyahay guddigii heer wasiir ee horey loo sameeyey ay sii shaqeeyaan oo ay la shaqeeyaan Hay’ada Maareynta
Musiibooyinka iyagoo kormeer ku sameynaya howlaha gurmadka iyo gar-gaarka bani’aadanimo. Wasiirada ku jira guddiga Qaranka ee Gurmadka Abaaraa iyo Barkacayaasha ayaa kala ah Wasiirada Gaashandhiga, Arrimaha Gudaha, Maaliyadda, Caafimaadka, Howlaha Guud iyo Warfaafinta & Boostada iyo Isgaarsiinta.

Ugu danbeyntii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya waxuu sheegay in loo baahanyahay inay sii shaqeeyaan guddiyadii golaha wasiirada ee horey u jiray sida guddiyada amniga, dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo siyaasadda, si ay u sahlanaato in muddada 12ka bilood ah ay howlaha muhiimka ah ee xukuumadda u qabsoomaan, una noqdaan kuwo miro-dhal ah.


Image

Image
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”