Garowe, Aug 05 - Dawladda Puntland ayaa ku dhaqaaqday qorshayaal lagu abuurayo dareen-wadaagid walaaltinimo oo ka turjumaysa dhib la qaybsiga dadka barakacayaasha ah ee ku sugan Puntland ee eheladoodu ay la dhibaataysan yihiin mushkiladda abaareed ee ku dhufatay inta badan gobollada koonfureed ee Soomaaliya, iyadoo dhinaca kalena kor u qaadday qaabilaadda iyo soo dhaweynta dadka abaaruhu soo sal-kiciyeen.
Wasaaradda arrimaha gudaha dawladaha hoose iyo Horumarinta Reer miyiga ee Puntland ayaa qabatay kulan ballaaran oo ku saabsana is dhexgalka bulshada qeybaheeda kala duwan, iyadoo kaalin lama illaawaan ahna arrintaasi ku siiyey dadka ku soo qaxay deggannaan ka ka jirta deegaannada Puntland.
Hal-ku-dhigga kulankaan oo ahaa la qaybsiga dareenka noolashaee dadyowga ku nool dhammaanba deegaanada Puntland ayaa wasaaradda arimaha gudaha oo kaashanaysay Hay'adda UNHCR waxay galinkii dambe ee shalay u qabatay bulshada qaybaheeda kala duwan oo ay ku jireen dad ka socday xeryaha barakacayaasha ee ku yaalla Garoowe, xubno ka tirsan golayaasha dawladda, halkaasoo wasaaraddu isla xalayna casumaado iyo casho-sharaf ugu diyaarisay ka qayb-galayaashii kulanka.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, dawladdaha Hoose iyo horumarinta Reer Miyiga Puntland Gen. C/llaahi Axmed Jaamac Ilko -Jiir oo kulanka daahfuray ayaa sheegay in Puntland ay la qayb-sanayso dareenkooda dadka barakacayaasha ah ee ku sugan Puntland ee ehelkooda iyo qaraabadoodu ay dhibaataysan yihiin koonfurta Soomaaliya halkaasi oo abaaro ba'an ku dhufteen.
Mudane Ilko-jiir waxuu si toos ah u amaanay dadka barakacaayaasha ee ku nool Puntland kuwaasi oo wasiirku ku tilmaamay in ay qayb weyn ku lahaayeen xuskii lioo sameeyey sannad guuradii 13-aad ee kasoo wareegata aas-aaska Puntland.
Dhinaca kale wasiirka, ayaa soo hadal-qaaday abaarta ka jirta inta badan koonfurta Soomaaliya, Isagoo wasiirku sheegay in Puntland ay kadanqanayso dhibaatada dhinaca abaaraha ah ee ku habsatay dadka Soomaaliyeed, waxaana uu intaasi ku daray in socodo dadaal ballaaran oo ay iska kaashanayaan dawladda Puntland iyo shacabkeeda kuna aaddan wax uqabashada iyo la qaybsiga dareenka dhibka haysta walaalaha koonfureed.
Gadoomiyaha kaamamka barakacayaasha Garoowe Macallin Isaaq Xasan Cabsi, oo dhiniciisa ka hadlay kulankaan ayaa dawladda Puntland mahad-celiyay sida wacan ay umarti galisay, waxaana dhinaca kale uu sheegay in ay markastaba nabad-galyada kala shaqeeyaan maamulka, waxaana uu Puntland ku tilmaamay meel marti galisa dhibanayaasha kasoo cararay colaadaha iyo xaaladaha kala duwan ee ka jira Soomaaliya inteeda kale.
Arrintaan ayaa waxa ay kasoo beegmaysa , iyadoo dhawaan madaxweynaha Puntland C/ Raxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud Faroole uu ku baaqey in taageero buuxda loo fidiyo dadka kasoo carayay dhibaatada kataagan koonfurta Soomaaliya ee soo gaaraya Puntland.
Pland bilawday qorshe dareen-qaybsi soodhaweynta barakacaya
Moderator: Moderators
- FBISOMALIA
- SomaliNet Super
- Posts: 9254
- Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
- Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 13 Replies
- 2014 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 26 Replies
- 2073 Views
-
Last post by Samatr
-
- 1 Replies
- 327 Views
-
Last post by Voltage
-
- 0 Replies
- 294 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 2 Replies
- 485 Views
-
Last post by precious_dyme
-
- 11 Replies
- 574 Views
-
Last post by The_Patriot
-
- 0 Replies
- 358 Views
-
Last post by xaseey
-
- 0 Replies
- 279 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 9 Replies
- 781 Views
-
Last post by TheblueNwhite