Ciidamada Ilaalada Xuduuda G.Sanaag Heegan ayay kujiraan

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Ciidamada Ilaalada Xuduuda G.Sanaag Heegan ayay kujiraan

Post by FBISOMALIA »

Sanaag(Puntlandi.com);- Gudomiyaha Gobolka Sanaag Maxamuud Nuur Siciid Dabayl ayaa sheegay in heegan ay kujiraan ciidamada ilaalada xuduuda Goblka Sanaag ee Dawlada Punland.

Dabayl ayaa sheegay in dhawaan ay dib u celiyeen ciidamo katirsan mamulka Somaliland oo waday qorshe ay ku soo galayaan qaybo kamida Gobolka Sanaag haatana ay hayaan xogo muujinaya in markale dib isku soo abaabulayaan.

Gudomiyaha ayaa sheegay in haatan Somaliland ku egtahay Ceergaabo waxaana uu sheegay in damacooda uu yahay soo galida deegaano kamida Gobolka Sanaag taana ay ka biya diideen.

Waxaa uu sheegay in shacabka iyo ciidamada abaabulanyihiin kana soo horjeedaan in somaliland dhulkooda soo gasho qorshayaal kasta oo somaliland damacsantahana ay fashilinayaan.

Gobolka Sanaag ayaa aad looga soo horjeedaa mamulka Somaliland waxaana fashilmay qorshayaal badan oo Somaliland damacsanayd waxaana udanbeeyay Markabkii dagaal ee ay ku soo hogaamiyeen xeebta Laasqoray ciidamada Daraawiishtana ay ka hortageen.
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Re: Ciidamada Ilaalada Xuduuda G.Sanaag Heegan ayay kujiraan

Post by FBISOMALIA »

good job for our sanaag we hope sool iyo cayn do the same thing :ugeek:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”