Galdogob: madax iyo waxgarad oo booqday xarunta jaamacadda
Posted: Fri Aug 05, 2011 11:51 am
Waxaa maanta xarunta Jaamacadda Bariga Afrika faraca Galdogob booqasho ku tagey Madax, culumo, aqoonyahan iyo waxgarad kale oo ay horkacayeen Xildhibaan C/risaaq Yaasiin, Afhayeenka Ugaaska Sheekh Ibraahin Xirsi iyo Sheekha magaalada Galdogob Sheekh Mahad C/laahi.
Madaxa Jaamacadda Bariga Afrika faraca Galdogob Dr. Bashiir Warsame Maxamed ayaa wafdiga ku soo dhaweeyey xarunta jaamacadda, wuxuuna ku soo wareejiyey dhismayaasha jaamacadda oo ka kooban labo dhisme, masjid iyo dhul bannaan, waxaana dhismahaan magaalada horey uga hirgaliyey samafalayaal reer Kuwait ah, waxaana fulisey Jamciyadda Almanhal ee khayriga ah. Ka dib Dr. Bashiir wuxuu wafdiga warbixin ka siiyey taariikhda iyo waxqabadka Jaamacadda Bariga Afrika, ujeeddooyinka laga leeyahay furidda faraca Galdogob iyo waxa ay jaamacaddu ku soo kordhin doonto deegaanka iyo dadkiisa.
Ka dib waxaa hadal kooban munaasabada ka soo jeediyey xildhibaan C/risaaq Yaasiin oo sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay inuu soo booqdo xarunta jaamacaddii ugu horreysey ee laga furay magaalada Galdogob. Xildhibaanku wuxuu tibaaxay in jaamacadda Bariga Afrika waxweyn ka qabatay sare u qaadista aqoonta deegaanka P/land, ayna meesha ugu sarraysa uga jirto waxbarashada deegaanka. Wuxuu kaloo sheegay inay dowladdu soo dhaweynayso horumarinta waxbarashada, taageerana ay diyaar ula tahay.
Waxaa isna goobta ka hadlay afhayeenka Ugaaska Sheekh Ibraahim oo isna soo dhaweeyey furitaanka jaamacadda, isla markaana tilmaamay inay wax weyn ka tari doonto horumarinta deegaanka sida isbitaalka Mudug Hospital wax uga taray oo kale. wuxuu kaloo sheegay in loo baahanyahay dhisidda gegida diyaaradaha ee magaalada iyo waddada isku xirta Galdogob iyo Gaalkacyo.
Waxaa iyana goobta ka hadlay C/naasir Ismaaciil iyo Cumar quraacey oo labaduba ku hadlayey magaca qurbajoogta, waxayna soo dhaweeyeen hirgalinta jaamacadda, iyagoo tilmaamay in waxbarashadu tahay furaha horumarka. Waxaa isna soo dhaweeyey furitaanka jaamacadda Sh. Cawil Cali cad oo ka mida culumada magaalada.
Jaamacadda Bariga Afrika oo ah jaamacadda ugu weyn, uguna horreysey ee laga hirgaliyey deegaanada P/land waxay ka koobantahay shan kulliyadood, waxaana la aasaasay sannadkii 1999kii, xarunteeduna waxay ku taal magaalada Boosaaso, faracyana waxay ku leedahay magalooyinka Gaalkacyo iyo Garowe, faraca Galdogobna wuxuu noqonayaa xaruntii afraad ee ay jaamacaddu yeelato, waxaana lagu rajo weyn yahay in dadka iyo deegaankuba aad uga faa’iidaystaan.
Waxaa xusid mudan in dufcaddii ugu horreysey ay sannadkaan ka qalinjabisey Machadka Imamul Bukhari ee Culuumta Shareecada iyo Afka Carabiga, ayna saldhig u noqon doonaan ardayda kulliyadda shareecada. Waxaa kale oo ka furan magaalada labo dugsi sare oo kala ah Galdogob sare iyo Caynushamsi, sannadkaana waxaa ku soo biiri doona dugsiga sare ee Alnuur
![]()