Garoowe (RBC Radio ) : Kulankaan oo ay soo Qabanqaabisay wasaarada Arimaha Gudaha ,Dowladaha Hoose & Horumarinta Reer Guuraaga kana Dhacay Hoolka wasaaradaas ,ayaa waxaa ka soo Qaybgalay Madax ka socotay Golayaasha Dowlada Puntland Bulshada Qaybaheeda kala Duwan Howlwadeenadda Xaafadaha Garowe & Masuuliyiinta Kaamamka ay Deganyihiin Dadka ka soo Barakacay Gobolada Koonfureed ee Gudaha Soomaaliya ,
Ujeedada kulanka ayaa ahayd sidii ay isu Dhexmushaaxi lahaayeen Dadweynaha soo Barakacay ee Puntland ku sugan & Kuwa Deegaanka ah ayna u Hagaajin lahaayeen isdhexgalka & wada Noolaanshaha Soomaaliyeed madaama Dalka soomaaliya uu soo maray Colaad sokeeye ayna jiraan Bulsho ku soo Qaxday Deegaanada Maamulka Puntland,
Kulanka oo ka soo qaybgalayaasha loogu sameeyey Casho & Afur ayaa waxaa ka Hadlay Masuuliyiin & Dadweyne Farabadan oo dhamaantood soo Dhaweeyey arrintan ah isdhexgalka Bulshada Soomaaliyeed ee u kala Qaxday Deegaanada kala Duwan Markii ay Qaraxday Colaadii Sokeeye,
Macalin Isaaq Waa Gudoomiyaha Barakacayaasha Magaalada Garoowe waxaa uu Mahadcelin u jeediyey Bulshada & Dowladooda Puntland oo uu sheegay in ay soo Dhaweyn iyo Dibu dejin u sameeyeen walaalahooda ka soo Cararay Dagaalada Sokeeye ee ka socda Koonfurta Soomaaliya,iminkana ay yihiin Puntlanders aan laga sheegan Karin lagana lahayn Dhulkan Puntland ee ay Qaarkood kunoolaayeen Mudada Dheer,
Isaaq waxaa uu Baaq u jeediyey Saaxiibadiisa ay soo wada Qaxeen ee iminka ku nool Puntland waxaana uu yiri si wanaagsan oo soomaalinimo ah ula noolaada ummada aynu u nimo ,ilaalinta Nabadana waxaa inaga saran XilGaar ah oo Baaxadweyn,
Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladdaha Hoose & Horumarinta Reer Guuraaga ee Puntland C/laahi Axmed Jaamac ( Ilka Jiir ) ayaa jeediyey Hadal Dheer oo Dhinacyo Badan Taabanayey waxaana uu yiri Waxaan ku Howlanahay sidii loo midayn lahaa ummada soomaaliyeed eek ala Baahday oo kala abaaday oo aan manta la garanayn wax u dhexeeya oo ay u kala Firxadeen ,
Ujeedka kulanka ayuu ku sheegay wasiirku in ay Tahay Madaama Bulsho Farabadi ka soo carareen Colaadaha ka Taagan Dhulka Qaar ayna Haysto Dhibaato La Taaban karo in aan la Murugoono kuwa noo yimi ee ka soo barakacay Goboladii iyo Degmooyinkii ay ku Noolaayeen ee Coladuhu ka Cayrsadeen,
Anagoo Dowlad & Shacaba ku Garab taagan wixii adoodayada ah walalahayaga Dhibaataysan sidoo kale waxaa u u Xusay wasiirku in Madaxweynuhu ugu Baaqay Guud ahaan Reer Puntland in ay ka Qaybqataan Caawimaadda Ummada ku Tabaalaysan koonfurta Soomaaliya ee u Baahan Gurmad wayn in loo Fidiyo ,
Qaaraan uruurinta ayuu wasiirku sheegay in ay ku Howlanyihiin Dowlada & Shacabka Puntland oo ay ka mid yihiin Culimada Reer Puntland oo iyagu Door muhiim ah ka Geysta arimaha Samafalka Bulshada,
Kulankan ayaa ku soo Aadaya Xili uu Madaxweynaha Puntland ugu Baaqay umada soomaaliyeed Gacmo Furan oo ay kusoo Dhaweynayso Puntland oo Kaashanaysa Shacabkeeda,
RBC Radio
Kulan Isdhexgalka Bulshada Lagu Xoojinayo ka Dhacay garowe
Moderator: Moderators
- FBISOMALIA
- SomaliNet Super

- Posts: 9254
- Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
- Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 864 Views
-
Last post by gobdoon
-
- 1 Replies
- 453 Views
-
Last post by abodu
-
- 1 Replies
- 451 Views
-
Last post by LiquidHYDROGEN
-
- 0 Replies
- 528 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 0 Replies
- 346 Views
-
Last post by Goljano Lion
-
- 0 Replies
- 410 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 0 Replies
- 503 Views
-
Last post by FBISOMALIA