
Cali Ciise oo Dhawaan Safar ku Soo Gaaray Magaaladda Columbus ee Gobolka Ohio, Ayaa Wuxuu Shir la galay Jaaliyadda SSC ee Ku Dhaqan Gobolka Ohio.
Cali Ciise Abdi oo Dhawaan Safaro kala Duwan ku kala Marayay Magaalooyiin Kala Duwan oo ku Yaala Waqooyigga Maraykanka
( North American) oo ay ka Mid ahaayeen Toronto,Maine,Columbus iyo Kuwo Kale.
Ulajeedada Safarkan ayaa Waxay Tahay Siddii loo Suurto galin lahaa in la isugu keeno SHIR Beesha SSC Shir Wayne Laga Qabanayo Wadankii. Shirkaas oo la Filayo in Uu Socon doono Mudo lagu Qiyaasay shan iyo Labaatan Cisho.
Ulajeedada Shirkan Ayaa Waxay Tahay In la Mideeyo Dadka Arintani Qusayso oo ah Beesha (Dhulbahante) iyo Siddii ay Uga Bixi lahayd Dhibaatadda Jirta.
Siddoo kale Shirkan Ayaa Waxaa ka Hadlay qaar ka mid Jaaliyadda SSC Ee Gobolka Ohio oo ka Waramay Xaaladda ka jirta Gobolka Ohio.
Magaaladda Columbus ee Gobolka Ohio Ayaa Waxaa la Sheegaa inay ku nool Yihiin Dad badan oo ka Soo Jeeda Goboladda SSC.
Waxaa Wacdi Diini ah ka Soo jeediyay Goobta Shirka Sheekh Abdikariim
Shirkan Waxaa Suurto Galiyay Magacyadda Hoos Xusan:
Axmed Shugri
Gargaar Bille
Farduus M Mirre
Siyaad Maxamed Cabdirahmaan
Abdulkadir Axmed Xandulle.
Dadkii ka Soo qayb Galay Shirkan Ayaa aad ugu qancay Sidda Uu Cali Uga Warbixiyay Xaaladda Shirka Lagu Qaban Doono Wadankii.