Page 1 of 3

Galkayo:new customs office & market open for business

Posted: Sat Aug 06, 2011 10:06 am
by damu
Gaalkacyo (RBC Radio):- Gudoomiyaha Guddiga Amniga iyo Maamulka Gobolka Mudug Mudane Maxamuud C/raxmaan Cuuke ayaa xariga ka jaray kastam cusub oo loo sameeyay kaantaroolka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo.
Dhismaha kastamka cusub ayaa waxaa loo sameeyay munaasabad xariga looga jarayo, waxaana ka soo qeybgalay mas’uuliyiinta Guddiga Amniga iyo Maamulka Gobolka Mudug, Saraakiil ajnabi ah iyo Marti sharaf kale oo badan.
Gudoomiyaha Guddiga Amniga iyo Maamulka Gobolka Mudug Mudane Maxamuud C/raxmaan Cuuke ayaa xariga ka jaray dhismayaasha kastamka cusub, wuxuuna Gudoomiyuhu sheegay in ay tahay markii ugu horeysay ee kastam noocani oo kale ah laga dhiso Gobolka Mudug tan iyo intii Puntland la dhisay 13 sano ka hor.
Image
Gudoomiye Cuuke, Cali Axmed oo saxaafada ka socday iyo xubin hawenka ka socota ayaa si wadar ah xariga uga jaray kastamka
Mudane Cuuke wuxuu sheegay in 13 sano kastam ahaan loogu soo shaqeynayay sandaqado iyo buushash haatanse ay ku guuleysteen in ay dhisaan dhismayaal qurxoon oo hadda kadib kastam ahaan loogu shaqeyn doono.”Dhismaha kastamkani wuxuu ka kooban yahay 7 qol, laba xafiis oo qalabeysan waxaa la siiyay Wasaaradda Maaliyada, laba xafiis oo qalabeysan waxaa la siiyay dowladda hoose, xafiis waxaa la siiyay Turubataariyada, xafiis kalena waxaa la siiyay Waaxda socdaalka iyo Taraafikada, qol waa biibito wax laga cabo, wuxuu kaloo dhismahani leeyahay musqulo iyo xabsi ku meel gaar ah” ayuu yiri Mudane Maxamuud C/raxmaan.
Image
Xafiisyada kastamka cusub
Gudoomiyaha Guddiga Amniga wuxuu kaloo sheegay in dhismaha kastamka cusub ay ka dhiseen lacagaha canshuurta ah ee dadweynaha ay ka qaadeen isla markaana aysan dhismahani lagu dhisin lacago laga qaadey Hay’ad iyo waxyaabo la mid ah.
Image
Gudoomiye Cuuke oo ka hadlaya arimaha kastamka
Ugu dambeyn Gudoomiyaha Guddiga Amniga iyo Maamulka Gobolka Mudug wuxuu sheegay in dhowaan ay furi doonaan Taliska Qeybta Booliska Gobolka Mudug oo dayactir balaaran lagu sameeyay, wuxuu sidoo kale Gudoomiyuhu sheegay in dayactireen saldhigyada ciidan ee Miir iyo Bartamaha.
Image

Sandaqadani waxay 13 sano soo ahayd kastamka kaantaroolka waqooyiga Gaalkacyo

Image
Kastamka cusub oo la saaray calanka Puntland iyo kan Soomaaliya
Image
Dhismaha kastamka cusub ee uu dhisay Guddiga Amniga iyo Maamulka Gobolka Mudug

Re: Galkayo:new customs office open for business

Posted: Sat Aug 06, 2011 10:16 am
by damu
Image

Image

Image

Image

well done governor Maxamuud C/raxmaan Cuuke :up:

Re: Galkayo:new customs office open for business

Posted: Sat Aug 06, 2011 10:25 am
by Aseelah-Raaida
The old one was horrific ,well done Governor Cuuke and the people of Galkacyo whose tax money paid for this !!
Its pretty impressive that they built this in a months time :up:


Image




Dhismaha kastamkani wuxuu ka kooban yahay 7 qol, laba xafiis oo qalabeysan waxaa la siiyay Wasaaradda Maaliyada, laba xafiis oo qalabeysan waxaa la siiyay dowladda hoose, xafiis waxaa la siiyay Turubataariyada, xafiis kalena waxaa la siiyay Waaxda socdaalka iyo Taraafikada, qol waa biibito wax laga cabo, wuxuu kaloo dhismahani leeyahay musqulo iyo xabsi ku meel gaar ah” ayuu yiri Mudane Maxamuud C/raxmaan.

Re: Galkayo:new customs office open for business

Posted: Sat Aug 06, 2011 11:28 am
by FBISOMALIA
puntland :up:

Re: Galkayo:new customs office open for business

Posted: Sat Aug 06, 2011 11:30 am
by Aseelah-Raaida
FBISOMALIA wrote:puntland :up:
& the Puntlander who donated the land. 8-)

Re: Galkayo:new customs office open for business

Posted: Sat Aug 06, 2011 11:40 am
by FBISOMALIA
Aseelah-Raaida wrote:
FBISOMALIA wrote:puntland :up:
& the Puntlander who donated the land. 8-)
its their land walalo so they must to donated without asking ;)

Re: Galkayo:new customs office open for business

Posted: Sat Aug 06, 2011 11:45 am
by FBISOMALIA
Image

:up:

Re: Galkayo:new customs office open for business

Posted: Sat Aug 06, 2011 12:12 pm
by damu

Re: Galkayo:new customs office open for business

Posted: Sat Aug 06, 2011 12:30 pm
by FBISOMALIA
musa yussuf is funny guy he is the head of tax in galgacio and he said before ppl would asking for card phone kkkkkkkkkkkkkkk :lol: :lol: :lol: :lol:

really mudug was horrible no wonder ppl were angry soon we should build one in cayn buhooodle too iyo bari sanaag :up:

Re: Galkayo:new customs office open for business

Posted: Sat Aug 06, 2011 12:59 pm
by Monk-of-Mogadishu
Cuuke for President! :up:

The guy is truly a game changer in Mudug, my relatives there say the entire city has changed. He's filled the prisons if you know what I mean. :lol:

Re: Galkayo:new customs office & market open for business

Posted: Sat Aug 06, 2011 1:52 pm
by damu
Gaaalkacyo (RBC Radio)
Image
:- Gudoomiyaha Guddiga Amniga iyo Maamulka Gobolka Mudug Mudane Maxamuud C/raxmaan Cuuke ayaa maanta xariga ka jaray dhismaha suuq cusub oo laga dhex dhisay xerada Dayax ee magaalada Gaalkacyo.
Mudane Cuuke ayaa sheegay in suuqani uu yahay mid ay horey u dhiseen Mas’uuliyiinta Maamulkii hore ee degmada Gaalkacyo ee uu Gudoomiyaha ka ahaa Mudane C/raxmaan Maxamuud Xaaji Xasan, wuxuuna uga mahad celiyay dadaalka ay geliyeen dhismaha suuqaasi.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in suuqani uu yahay mid loogu talo galay in ay fariistaan dadka ka shaqeysta qudaarta ee u badan haweenka, kuwaasi oo haatan fariista meel kumeelgaar ah oo aan u diyaarsaneyn hab suuq ah.
Mudane Maxamuud C/raxmaan Cuuke ayaa waxaa kaloo uu ka dhawaajiyay in xerada Dayax Gaalkacyo ay ka dhisi doonaan xarun weyn oo ay leedahay dowladda hoose inta ka soo hartana ay ka dhisi doonaan suuqyo iyo goobo bulshada loogu adeego.
Image
Gudoomiye Maxamuud C/raxmaan Cuuke
Dhinaca kale wuxuu Gudoomiyaha Guddiga Amnigu sheegay in bisha Ramadaan dhamaadkeeda la keeni doono laba baabuur oo nooca waaweyn ah oo ka shaqeynaya arimaha nadaafada kuwaasi oo uu sheegay in ay leeyihiin wiishash qaada waxyaabaha nadaafada iyo bilicda magaalada wax u dhimaya.
Image

Image
Suuqa maanta xariga uu ka jaray Gudoomiyaha ayaa waxaa lagu wadaa in ay fariistaan haweenka qudaarta ku iibiya gudaha suuqa Dayax Gaalkacyo, iyadoo maamulka laga sugayo in dadka suuqaasi fariisan doona ay u sameeyaan eex la’aan iyo caddaalad.
Governor Cuuke is on fire :clap: :clap: :clap: :clap:

Re: Galkayo:new customs office & market open for business

Posted: Sat Aug 06, 2011 1:54 pm
by Aseelah-Raaida
Reer Mudug are really stepping up ,they've done a lot these past few months 8-)

Re: Galkayo:new customs office & market open for business

Posted: Sat Aug 06, 2011 1:59 pm
by abdisamad3
masha-allah, :up:

Re: Galkayo:new customs office & market open for business

Posted: Sat Aug 06, 2011 2:00 pm
by Monk-of-Mogadishu
Damn!

http://www.raxanreeb.com/?p=106359

Cuuke is a boss. :up:

Re: Galkayo:new customs office & market open for business

Posted: Sat Aug 06, 2011 2:01 pm
by Amilla
It is about time reer Mudug Puntlanders got their shit together :up: :up: :up: