
Gaalkacyo (RBC Radio):- Aqoon isweydaarsigani oo ahaa mid ku saabsan kalatashiga bulshada arimaha siyaasadda dhulka magaalooyinka Puntland ayaa waxaa qabashadiisa iska kaashaday Wasaaradda Howlaha Guud iyo Gaadiidka Puntland iyo Hay’ada UN-habitat.
Waxaa aqoon isweydaarsiga lagu casuumay oo ka soo qeybgalay Lataliyaha Wasaaradda Howlaha Guud iyo Gaadiidka Puntland Eng, Axmed Waxarey, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Howlaha Guud iyo Gaadiidka Puntland Mudane C/qaadir Shiikh Maxamed, C/raxmaan Aadan oo ka socda UN-habitat, Gudoomiyaha Guddiga Amniga iyo Maamulka Gobolka Mudug Mudane Maxamuud C/raxmaan Cuuke iyo Kuxigeenkiisa Daahir Maxamuud Muuse, qeybaha bulshada iyo maamulka gaar ahaan qeybaha uu khuseeyo arimaha dhulka sida Culimada, Odayaasha dhaqanka, Sharci yaqaanada qaarkood ka socda maxkamadaha, Waaxda dhul bixinta ee dowladda hoose iyo qeyba kale oo bulshada laga casuumay.
C/raxmaan Aadan oo ah sarkaal ka socday Hay’ada UN-habitat ayaa waxaa uu ka hadlay furitaanka aqoon isweydaarsiga wuxuuna sheegay in ajandaha aqoon isweydaarsiga uu yahay in laga gudbo isku qab qabsiga dhulalka isla markaana siyaasad mideysan laga qaato arimaha dhulalka.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Howlaha Guud iyo Gaadiidka dowladda Puntland Mudane C/qaadir Shiikh Maxamed oo ka hadlay furitaanka aqoon isweydaarsiga ayaa ka dhawaajiyay in kulankani uu rajeynayo in ay ka soo baxaan qodobo muhiim ah oo wax weyn ka tari doona arimaha dhulalka la isku qabsado sida haatanba ka jirta gobolka Mudug, wuxuuna sheegay in kulankani kulamo la mid ah oo ka waaweyn lagu soo qabtey magaalada Garowe, natiijooyinkii ka soo baxayna ay noqdeen kuwa taabo gal ah.
Gudoomiyaha Guddiga Amniga iyo Maamulka Gobolka Mudug Mudane Maxamuud C/raxmaan Cuuke ayaa sheegay in uu soo dhoweynayo aqoon isweydaarsiga noocani oo kale ah, wuxuuna sheegay in la qabtey xilli ku munaasib ah oo dadku ay ku mashquulsan yihiin muranka dhinaca dhulka.
Mudane Cuuke ayaa sheegay in aysan jirin wax shacabka u kala xadeynaya dhulalkooda, markasta oo ay dowladda hoose yimaadaanna la siiyo warqad aan micno ku fadhin oo muujinaysa astaanta dhulka oo kaliya, taasi oo uu sheegay in uu rajeynayo in laga gudbo isla markaana la sameyn doono shahaado cadeyn ah oo aan la koobiyeyn karin oo ay bixin doonto dowladda hoose, wuxuuna Wasaaradda Arimaha Gudaha ugu baaqay in ay soo saaraan astaan aan la daabici karin oo muujinaysa lahaanshaha dhulka si uu u yaraado khilaafka dhulka ee ka jira magaalooyinka waaweyn ee Puntland.
Waa aqoon isweydaarsigii ugu horeeyay ee noociisa ah ee loo qabto qeybaha bulshada Gaalkacyo iyo maamulkoodaba, waxaana arintani ay ku soo beegmaysaa xilli ay sii kordhayaan muranka ka dhasha isku qabsiga dhulalka oo mararka qaar ay dad ku dhintaan.