
Madaxweyne ku xigeenka JSL, ahna ku simaha Madaxweynaha JSL, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta Qasriga madaxtooyada ku qaabilay Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Somaliland iyo Somaliya Mr. Augustine Mahiga oo shalay galabnimadii Bookhasho ku yimid Dalka.

Ugu horayna Augostine Mahiga waxa uu madaxweyne ku xigeenka soo gaadhsiiyey Salaan uu Somaliland uga sido Xog-hayaha guud ee qaramada midoobay oo dhawaan ay madaxweynaha JSL, ku kulmeen South Sudan iyo guddida Golaha Ammaanka ee qaramada midoobay oo uu sheegay inay labaduba somaliland ku amaaneen waxqabsigeeda dhinacyada nabad-gelyada iyo maamul wanaaga.
Augostine Mahiga waxa uu Madaxweyne ku xigeenka uga waramay ujeedada Socdaalkiisa oo uu sheegay in ay tahay xogogaal u noqoshada xaalada Guud ee Abaaraha ka jira Somaliland iyo gaar ahaanba Mandaqada geeska Afrika siiba somaliya

Mahiga waxa uu ka waramay in ay abaaruhu Mandaqada si xun u saameeyeen gaar ahaana ay si xun u saameeyeen Somaliya oo gaadhsiisan heer Macaluul ah, waxa uu qiray in ay abaaruhu ka jiraan Somaliland laftigeeda laakin aanay gaadhsiisnayn heerka Barakaca iyo Macaluusha gaadhay ee Somaliya,
Augostine waxa uu carabka ku dhuftay in ay kooxda hubaysan ee Argagixisada ah ee Al-shabaab ka bexeen Magaalada Muqdhisho isaga oo sheegay in aanu fahmi Karin sababta ay uga baxeen inay tahay sida ay sheegteen mid xeelad dagaal ah iyo inay jabeentoona balse uu shegay in ay haadan magaalada muqdisho faaruqiyeen.

Augostine Mahiga waxa uu Somaliland ku amaanay sida ay uga gaashaamatay abaaraha iyo Argagixisada labadaba, waxaanu uga digay in ay kooxdaa Al-shabaab ee ka baxday muqdisho saamayn ku yeelankarto, isaga oo sheegay in ay Somaliland ku kalsoon yihiin sida ay had iyo jeer uga gashaaman tahay ama Difaaca ugaga jirto la dagaalanka Argagixisada, Budhcad badeeda iyo Abaaraha intaba.
Augostine Mahiga waxa uu Somaliland ku amaanay sida ay shacbi iyo dawladba isaga kaashadeen in ay abaarihii dhawaan sida xun u saameeyey gacantooada kaga adkaadeen oo ay maalkooda iyo muruqooda isugu geeyaan inay samata bixiyaan dadkoodiii ay abaaruhu saameeyeen
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa isaguna waxa uu dhiniciisa si faah-faahsan uga waramay xaalada guud ee dhaqaale, iyo siyaasadeed ee Somaliland, Madaxweyne ku xigeenku waxa uu ku nuuxnuuxsaday sida ay abaartu uga jirto Somaliland waxaanu sheegay inay jiraan dad ay abaartaasi si xun u saamaysay.
waxa kale uu madaxweyne ku xigeenku tilmaamay in ay somaliland joogaan dad ay xoolihii ka baxeen bilowgii xiligan abaarta kuwaas oo u baahan in dib loo xooleeyo.
Waxa kale oo uu sheegay in ay jiraan bara kacayaal ku soo qulqulay Magaalooyinka ay abaartu dabada ka wado gaar ahaan gobolada bari ee somliland kuwaas oo u baahan in iyaguna gacan loo gaysto.
Madaxweyne ku xigeenku waxa uu sheegay in ay abaartu raad muuqda kaga tagtay Somaliland welina ay jirto meelo fara badan sidoo kalena waxa uu Madaxweyne ku xigeenku tilmaamay cabsida taagan ee biyo la’aanta iyo Abaarta ay ku hayso Somaliland, taas oo uu ugu baaqay Augostine mahiga iyo Beesha Caalamkaba in ay gacan ka gaystaan oo ay si dhakhso ah inta aanay imanin abaar la mid ah oo gaadhsiisa heerka ay maanta somaliya marayso.
Warqabadka Togaherer
Xafiiska Hargaysa
Somaliland
Togaherer@gmail.com