puntlander write a poem for 13 puntland anniversary

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

puntlander write a poem for 13 puntland anniversary

Post by FBISOMALIA »

name of poem “War Hooy Dadkeygooow”

Qarankii markuu dumay
Dagaalada sokeeyuhu

Waar hooy dadkaygoow
geed damala hoostii
darintaad ku fidiseen
puntland dedaalkaad
dowlad ugu samayseen
dambarkaad ka dhaxasheen
aan idiin daliishee

da´yartiyo dhallaankaas
dugsiyo waxbarashada
udareera idilkood
dambarkeedii weeyaan

Deegaankan hodankaa
dugsanaaya nabadee
dakaniyo dhib lagu arag
dadku raali wada yahay
dambarkeeda weeyaan

Culimada dikriga iyo
ducada eebe noo wada
duqeydiyo garaadada
xidhan duubka shaalkaa
dirirtiyo colaadaha
daminteeda qaatee
dabka inay rusheeyaan
dadka nabad ku beeraan
udiyaar ah waligood
dambarkeedii weeyaan

Nimaan hooyo daadihin
dambarkeeda aan dhamin
dadka kama dhex muuqdee
hooyada darmaantaa
hablaheena diinta leh
dahabkiyo hiddaha xidhan
lagu daahay sharaftee
dadnimada ka hodankaa
waa dayrka noloshoo
iyagaa dalkaba lehe
dambarkeedii weeyaan

Dacwad kalena waa talo
waa dardaaran gobonimo
waa dareen abwaanimo
digniin weeye qaranimo
waa doorka nabadeed
puntland dadkeediyo
duqeydaa diraysoo
docda koonfureediyo
dabka shidan dalkeenii
kuma diirsanaynee
maatada la dabar jaray
jidhkaa noo dubaaxshoo
diirkaa ka naxa oo
waan u wada damqanaynaa
Fariin baan udiraynaa
daainkiyo raxmaankana
ducaan uga dalbaynaa

Marka hore dadkaygoow
idinkoo dagaal qaba
diif iyo haraad qaba
dagaal iyo abaar qaba
deegaan barwaaqaa
ku dabaalayn maynee
kana waa dalkiinii
dadkuna waa dadkiinii
dalka dacal kasoo dega

darintaan ku jiifiyo
waxaan duunyo haystaa
ina deeqi doontoo
deeqaha raxmaankaa
nagu soo degaayee
marna yaynu kala dudin
qarankeenu yuu dumin
calankeenu yuu degin

Waar hooy dadkaygoow
duufaan wax xaaqiyo
waa daad colaaduhu
dabar jara insaankoo
dibindaabyo mooye
dawo laga dheefee
ka durkoo isaga taga

waar hooy dadkaygoow
inay nabadu diinaar
dahab qiimo dheertahay
dugsi iyo dugaal tahay
dabayl caafimaad tahay
kama taagna doodoo
waa deyrka noloshee
ku dedaala waligiin

Inta aad dadkaygoow
Dagaal oogayaaliyo
daba dhilif siyaasiyoo
danta qaranka aan wadin
danabkiyo rasaasaha
dusha ugu sidaanee
udagaal galaysaan
marna doogsan maysaan

int aad dadkaygoow
nin dadkiisa dabarjaray
muslim daahir gowracay
intaad daah ku qarisaan
ku difaacaysaan reer
marna doogsan maysaan

Inta aad dadkaygoow
Kuwa diinta sheegtee
dastuurkii illaahay
docda ay jeclaystaan
udaliishanaayee
dabargooyay shacabkii
u dabaal degeysaan
marna doogsan maysaan

Dacwad kalana waa duco
Aamiin dadoow dhaha

Daaimoow allahayoow
Dembi dhaafihiiyoow
Rabboow derejo waynoow
Dunidoo dhan adigaa
Deeqdeeda bixiyoo
Waxaad adigu doontay
Ciddi diidi karinine
Dunjigeeda Soomaal
Duli iyo qabiilbaa
Degey oo ku faafoo
Daxaleeyey Laabtee
Allahayoow ka daahiri

Alloow duul wallaala oo
Is daryeela naga yeel

Alloow daadka naga moos
Daldaloolka naga awd

Allahayoow duruufaha
Nagu deyran ee adag
Maruun naga dulqaadoo
Naga kori dagaalada

Allahayoow dalkeeniiyoo
Dambarsame guyeed helayoo
dadku nabad ku joogaan
Dib mar noogu celiyoo
Hogaan daacadeediyo
Dowlad waarta noo dhali

Alloow dowladnimaduna
Kuma iman dalxiisoo
Dooroonayaal baa
Udaldalay naftoodoo
Doondoonisteedii
Dhiig baa ku daatoo
Dumarbaa hugoodiiyo
Dahabkii u iibshee
Daaimoow allahayoow
Dowlad waarta noo dhali

Daaimoow Allahayoow
Dastuurkaad na siisee
Dusha nooga soo degey
Duul raaca naga yeel

Alloow daarta aakhiro
Inta aad ku digatee
Udareera naartee
Deeqdaada aan helin
Allahayoow hanagu darin

Durdurada fardowsaad
kuwa deegsiisee
Ku dabaasha naga yeel-

Allaahuma Aaamiin
Allaahuma Aamiin
Khaliif Faarax Xayir
sarahaye@hotmail.com
Gothenburg,Sweden
Wassalaamu Caleykum Waraxmah
dalka ay ku baaheen
dad kuwii iskugu xigay
Gidigood is dooxeen
darisyadu ciloobeen
Isku soo dabaaliyo
Dib usoo yagleel qaran
dadku ay ku daaleen
Puntland dadkeedii
Hadday dowladnimo iyo
dastuur iyo hanaan nabad
deegaanadoodii
degdeg uga hirgaliyeen
aleylehe dedaalkaas
danta shacabka maahee
doqonimo maahayn .

Waliba aan kusii daro´e
puntland dadkeedii
haddii ay dantii guud
iyo dowladnimadii
iyo kala dambayntii
dunjigeeda soomaali
Inay darin ku kulantiyo
isku duubni qaranimo
wali doonayaanoo
Calankeena doogaa
dusha uu usudhanyahay
Waa deeq illaahay

Puntland dadkeedii
Mar horey dareemeen
dagaalada sokeeyuhu
dan inaanay ugu jirin

Mar horey ka daaleen
beel beel ku duulkii
geel kala afduubkii
ceel biyo ku dirirkii
diro diro colaadeed

Duligiyo qabiilkuba
cudur aan dabiibiyo
dawo helin inuu yahay
midka adi dad kuu xiga
kugu dire inuu yahay
ninkii derejo moodee
wali dabada haystee
ku dagaal galaayana
isagoo dambiile ah
in la duugi doonoo
aakhiro dabkii go´ay
mar horey dareemeen
waana duul walaala

ma ay dayrin qarankii
kama go´in dalkeenii
dowlad madaxbanaanoo
deeganadeeniyo
dalka kala dhantaashoo
isku duub qaranimo
diideysa may noqon

dulucdeedu waa nabad
dalkoo noo hagaagiyo
dowlad bay utahay sahan
isku duubni shacabiyo
sama doona weeyoo
duul weerar kuma aha
daandaansi uma curan
User avatar
damu
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3373
Joined: Sun Aug 15, 2010 9:24 pm
Location: PL National Socialist Party

Re: puntlander write a poem for 13 puntland anniversary

Post by damu »

Image :up:
Aseelah-Raaida
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1590
Joined: Wed Apr 01, 2009 10:43 am

Re: puntlander write a poem for 13 puntland anniversary

Post by Aseelah-Raaida »

"dulucdeedu waa nabad
dalkoo noo hagaagiyo
dowlad bay utahay sahan
isku duubni shacabiyo
sama doona weeyoo
duul weerar kuma aha
daandaansi uma curan
" Image
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”