Wasiiro katirsan Puntland oo dalka kusoo laabtay

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Wasiiro katirsan Puntland oo dalka kusoo laabtay

Post by FBISOMALIA »

Image
Wasiir Hashi iyo Wasiirka arimaha Afrika u qaabilsan Ingiriiska Bellingham

Boosaaso:(Allpuntland)-Waxaa maanta magaalada Boosaaso ee xarunta dhaqaalaha Puntland kasoo dagay Xubno kamid ah golaha xukuumada ee Puntland kuwaas oo mudooyinkii u danbeeyey safaro shaqo ku marayey meelo kamid ah qaarada Afrika iyagoo qaarkoodna kulamo culus la qaadanayey madax ka socotay wadama beesha Caalamka taasoo qayb ka ah xiriirka iyo iskaashiga ay dawlada Puntland ee Soomaaliyeed la yeelanayso kuwa Caalamka gaar ahaana kuwa deriska la ah Puntland taasoo ay Xukuumada imika jirtay guulo waawayn ka gaartay.

Wasiirada Puntland ee maanta kasoo degey Boosaaso waxaa kamid ah Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka caalamiga ah ee Puntland Daa'uud Maxamed Cumar, Wasiirka waxbarashada Dr.Cabdi Faarax Siciid (Juxaa) iyo Wasiiru-dawlaha xiriirka caalamiga ah ee dawlada Puntland Dr.Cabdulqaadir Cabdi Xaashi, Waxaana uu Wasiirka Qorsheynta ee Puntland kayimid wadanka Suudaan oo uu safar shaqo u aaday, halka Wasiirka waxbarashaduna uu kayimid wadanka Ethiopia oo uu madaxda Waxbarasho ee dalkaas kula soo qaadanayey kulamo ku saabsan iskaashiga dhanka Waxbarashada ee dawladiisa iyo Ethiopia iyo sidii ay dawlada Ethiopia deeqo Waxbarasho usiin lahayd ardayda reer Puntland.

Wasiiru-dawlaha Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee dawlada Puntland Dr.Cabdulqaadir Cabdi Xaashi ayaa isna kayimid dalka Ethiopia isagoo kulamo la lahaa madax katirsan safaaradaha beesha Caalamka ee Addis-Ababa, iyadoo ay xusid mudantahay in 26-kii bishii tagtay uu Wasiirku kulan balaaran la qaatay madax uu kamid ahaa Wasiirka umuuraha Afrika ee dalka Britain iyo Safiirka Britain ee dalka Ethiopia kulankaas oo ka dhacay safaarada uu Ingiriisku kuleeyahay magaalada Addis-Ababa ee caasimada dalka Ethiopia.

Dr.Cabdulqaadir Cabdi Xaashi ayaa APL u sheegey in kulankaasi ay kasoo bexeen qodobo badan oo lagu hormarinyo xiriirka Puntland iyo England taasoo ka danbaysay kadib markii uu bilowgii sanadkaan isla Wasiirka Umuuraha Afrika kula kulmay xafiiskiisa London oo ay isla jeexjeexeen arimo quseeya xiriirka Puntland & England, Wuxuuna sheegey in qodobadaasi fulintoodu ay si degdeg ah u bilaaban doonaan.

Image

Mr.Xaashi kasakow kulankaas Addis-Ababa wuxuu kamid ahaa gudiga sare ee qabanqaabinayey shirka isku keenista Soomaalida ee ay qaramada midoobey iyo dhiancyada Soomaaliduba abaabulkeeda wadeen, Waxaana dhanka kale uu dhawaan shirweyne balaaran uga qaybgalay magaalada London shirkaas oo uu dawlada Puntland ku matalayey, Wuxuuna Wasiiru-dawlaha Qorsheynta ee Puntland kamidyahay madaxda Puntland ee sida gaarka ah ugu mashquulsan xiriirka Puntland ee aduunka ay la leedahay taasoo ah midkamid ah waxyaabaha ay ku faanto dawlada imika jirta.

Image
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”