
Galkacyo(Puntlandi.com);- Shirkada isgaarsiinta Calamigaa ee Golis ayaa magalada Galkacyo kuqabatay kulan balaaran oo loogu magacdaray Golis iyo macaamiisheeda waxaana uu ahaa kulan xog kala qaadasho iyo talo isi’siin isugu jiray.
Kulanka waxaa goobjoog ahaa Madax sare oo katirsan Shirkada Golis,Salaadiin,Odayaal dhaqameed,Siyaasiyiin iyo qaybaha bulshada noocyadeeda kaladuwan waxaana madax Golis madasha ku soo bandhigeen hawlo waxqabad oo deegaanada Puntland kafuliyeen gaar ahaan Gobolka Mudug iyo kuwa hada ay qorshaynayaan.
Maxamed Yuusuf Jamac oo ah madaxa suuqgaynta Shirkada Golis ee magalada Galkacyo oo kulanka furay ayaa sheegay in kulankan uga goleeyihiin sidii macaamiisha xiriir dhaw ula yeelan’lahaayeen iyo qorshayaal cusub oo dhawaan Gobolka ka fulindoonaan waxaana uu mahad ujeediyay macamiisha Golis iyo Bulshada kulanka soo xaadiray.
Mamulka Shirkada ayaa shacabka ka raaligaliyay cilado aan badnayn oo maalmihii udanbeeyay Gobolka kajiray waxaana ay sheegeen in ay Gobolka soo gaarsiiyeen qalab cusub sidaa darteed ay socotay hawl culus oo dhinaca isgaarsiintaa.
Siciid Xuseen Ciid madax suuq gaynta Shirkada Golis oo kulanka hadal ka soo jeediyay ayaa sheegay in shirkada macaamiisheeda ukeentay adeegyo casriya sidoo kalana deegaanada Puntland ka fulisay qorshayaal hormarineed kana qaybqaataan waxkastaa oo bulshada wax loogu qabanayo waxaana uu tusaale u soo qaatay tabeelayaal ay ku xireen wada dheer ee isku xirta magaalooyinka waawayn ee Puntland taa oo yaraysay shilalka gawaarida kaqaybqaadashada abaaraha dhisida goobaha anfaca uleh bulshada waxaana uu intaa raaciyay in Gobolka Mudug dhawaan ay ka samayndoonaan Barnaamij balaaran oo shacabka nasiibkooda ay ku tijaabinayaan kaas oo kal hore Boosaaso lagu soo qabtay.
Cuuke Gabanaw oo ah ku simaha mamulka Shirkada Golis laanta Galkacyo ayaa dhinaciisa macaamiisha Golis karaaligaliyay cilidkastaa oo ay dareemaan waxaana uu sheegay in ay wadaan Farsamo baaxdwayn oo lagu hormarinayo ismaqalka taleefanka waxaana uu intaa ku daray in had iyo jeer ay uheelanyihiin u shaqaynta macaamiishooda.
C/waaxid Garawaan ah isku xiraha bulshada iyo Shirkada Golis oo kulanka hadal kajeediyay ayaa sheegay in eedaha shacabka uga yimaada ay sixitaan uqaadanayaan waxaana uu sheegay in hada ay diyaar uyihiin in ay kaqaybqaataan dhismaha qaybo kamida Isbitaalka guud ee Gobolka Mudug iyo xarunta Agoonta Galkacyo oo ilgaara ay ku fiirindoonaan guud ahaan adeegyadaana waxaa uu sheegay in ay uqabanayaan sidii ay macaamiishooda u qancinlahaayeen.
Intaa kadib waxaa hadalka la siiyay ka soo qaybgalayaashii kulanka waxaana kamid ahaa shaqsiyaadkii hadalka jeediyay Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab waxaana uu sheegay in uu ku faraxsanyahay kulanka isagoo sheegay in uu kamidyahay macaamiisha Golis kuwii ugu horeeyay waxaa uu ku amaanay shaqada wanaagsan ee ay hayaan waxaana uu ka codsaday in ay gacan kagaystaan hawlaha amaan sugidaa ee Gobolka ka socda gaar ahaan abaabulka dhalinyarada waxaana hadalka kadib la gudoonsiiyay hadiyad ay ugu talagashay Shirkada Golis.
Suldaan C/salaan Suldaan Maxamuud oo dhinaciisa madasha hadal kajeediyay ayaa sheegay in ay ku mahadsantahay Shirkada Golis waxqabadka ay kasamaysay deegaanada Puntland waxaana uu ujeediyya in ay gacan kagaystaan hormarka Gobolka Mudug gaar ahaan dhismaha wadooyinka oo shacabka Galkacyo baahi uqabaan amaanka iyo waxkastaa oo muhiim u ah Shacabka.
Shirakada Golis ayaa shacabka gudoonsiiyay Hadyado qaaliya oo bashaqadaysan waxaana shaqsi kastaa oo kulanka ka soo qaybgalay uu qaatay qaybtiisa iyo wax uu nasiibkiisa siiyo.
Kulanka ayaa ku soo gabaganooyay jawi aad u wanaagsan waxana shacabkii ka soo qaybgalay kulanka umahadceliyeen mamulka shirkada Golis iyo sida ay ula dhaqabto macaamiisheeda.