PM Abdiweli gathers his cabinet in top meeting

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
Coeus
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11709
Joined: Fri Nov 19, 2010 6:59 pm
Location: Assisting the Mujahideen in Galgala to free their region

PM Abdiweli gathers his cabinet in top meeting

Post by Coeus »

Image


War-Saxaafadeed: Shirka Golaha Wasiirada

Shir ay maanta yeesheen Golaha Wasiirada oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin:

1. Howlaha amniga iyo xasilinta Muqdisho,
2. Shirka Wadatashiga ee Soomaalida iyo
3. Hay’ada Nile ee waxbarashada dalka Turkiga.

Guddiga heer wasiir ee arrimaha amniga iyo xasilinta Muqdisho ayaa laga dhageystey warbixin iyo talo soo jeedin ku wajahan sidii loo xasilin lahaa magaalada Muqdisho.

Guddigan wasiirada ah ayaa maalmihii la soo dhaafay booqanayey goobaha muhiimka ah ee laga saaray Al-Shabaab sida Suuqa Bakaaraha iyo Suuq Bacaad. Sidoo kale waxey kulamo joogta ah la qaadanayeen bulshada qeybaheeda kala duwan sida oday dhaqameedyada, culumaa’udiinka, gancsatada iyo ururada bulshada.

Tallooyinka ay soo jeediyeen waxaa ka mid ahaa in si deg-deg ah loo dhiso maamulada degmooyinka iyo xaafadaha, in hay’adaha amniga iyo gar-soorka ay saldhigyo ka sameystaan xaafadaha iyo in xaafadaha hab iskaa wax u qabso laga bilaabo, si shacabka ay guryahooda ugu soo noqdaan. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay guddiga
howlaha muhiimka ah iyo talo soo jeedintooda oo uu golahu aqbalay in la dhaqangeliyo.

Guddiga heer wasiir ee Kulanka wadatashiga Soomaalida ayaa warbixin siiyey golaha oo sheegay in horumar weyn laga sameeyey kulamadii hore, shirka wadatashigana la qaban doono 4ta ilaa 6da September. Shirkan Wadatashiga ayaa waxaa ka soo qeybgeli doona dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada, ajendaha shirkana waxuu noqonayaa qorsheyaasha 12ka bilood ee soo socda iyo sidii dalka looga saari lahaa marxaladda kala guurka ah oo loo heli lahaa dowlad rasmi ah.

Ugu danbeyntii, Golaha waxey ka doodeen heshiis lagu talo jiro in lala galo Hay’adda Nile oo ah Hay’ad Waxbarashada caan ku ah, isla markaana ay mashaariic waxbarasho ka fuliso waddamo fara badan oo caalamka ah. Hay’ada Nile ayaa ah hay’ad ka dhisan dalka Turkiga qorshaheeduna yahay sidii ay Wasaaradda Waxbarashada uga saacidi laheyd dib-u-dhiska Iskuulada dalka. Hay’ada Nile ayaa sidoo kale qorsheyneysa inay wasaaradda caafimaadka ka saacido daawooyinka iyo
sidii ay u furi lahaayeen goobo caafimaad (Clinic). Golaha Wasiirada dood dheer iyo falanqeyn ka dib waxey isku raaceen in Wasaaradda Waxbarashada ay la gasho heshiis si Hay’ada Nile ay uga howlgasho dalka gudihiisa.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”