

Gudoomiyaha Gobalka Mudug Maxamuud C/raxmaan Cuuke ayaa maanta duhurnimadii ka baxsaday Puntland isaga oo ka dhoofay garoonka Diyaaradaha ee Gaalkacyo waxana uu isla maantaba ka dagay magaaladda Muqdisho iyada oo ay halkaas si weyn ugu soo dhaweeyeen madax horay uga soo cadhootay Maamulka Garoowe
Gudoomiye Cuuke ayaa la sheegay in uu gabi ahaanba iskaga goostay maamulka Puntland isaga oo xilka raadsanaya Muqdisho waaxana la baxsidiisu ay ka danbaysay ka dib markii labadii todobaad ee u danbayey uu khilaaf xoogle soo kala dhex galay Cuuke iyo Faroole
Gudoomiyaha Baxsaday ayaa muddo yar xilka hayey isag oo wax weyn ka badalay Gobalka Mudug iyo magaaladda Gaalkacyo amaan daradii ka jirtay waxana uu Cuuke hirgaliyey Laabadaha dibadda oo muddo magaaladda ka jarnaa waxana ilo muhiim ah sheegeen in khilaadka Cuuke iyo faroole uu salka ku hayo wax qabadka muuqda ee uu ka hirgaliyey Gaalkacyo
Faroole oo cunsiriyed Mudug nacab ah ay ka muuqato waxa uu puntland ka baaciyey masuuliyiin badan oo reer mudug ah kuwaas oo gaafwareegaya Muqdisho iyo wadamadda Geeska Afrika sidoo kalena waxa uu heshiis la galay Galmudug kaas oo ku dabar jabinayo Siyaasiyiinta Waqooyiga Gaalkacyo saamaynta uu faroole ku lee yahay Amaandaradda gaalkacyo