American and French military advisors actively in TFG army

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
Coeus
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11709
Joined: Fri Nov 19, 2010 6:59 pm
Location: Assisting the Mujahideen in Galgala to free their region

American and French military advisors actively in TFG army

Post by Coeus »

Image


Shirkaddo Maraykan ah oo la sheegay inay ku lug leeyihiin dagaalada Soomaalia

Wakaaladda Wararka u faafisa dalka Angola ee ANGOP ayaa war bixin ay qortay waxay ku sheegtay shirkaddo dhanka amaanka qaabilsan oo Maraykan ah ay ku lug leeyihiin dagaalada ay ciidamada dawlada KMG iyo kuwa Midawga Africa kula jira Xarakadda Al-Shabab.

Warbixintaan ay wakaaladani qortay waxay ku sheegtay in koox ciidamo ah oo ay leedahay shirkad fadhigeedu yahay magaaladda Washington oo lagu magacaabo Bancroft Global Development ay ku sugan yihiin magaalada Muqdisho kuwaasoo door muuqda ku leh dagaalada ka dhaca magaalada Muqdisho ee dhex mara ciidamada iyo kuwa ururka Al-Shabab.

Warku waxaa uu sheegayaa in ciidamadaan hoos taga shirkaddaan oo sida wakaal;adu sheegay xarumo ku leh meel u dhaw garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ay sidoo kale tababaro siiyaan ciidamada dawlada KMG ee Soomaaliya oo ay ka caawiyaan sida ay ula dagaalami lahaayeen waxa argagixisada loo yaqan.

Madaxa hay’adaan Bancroft Global Development oo la yiraahdo Michael C. Stock, ayaa sheegay in hawsha ay Soomaaliya ka hayaan ay ka mid tahay baaritaanada waxyaabaha qarxa iyo barista dhiiga DNA,ga la yiraahdo shaqsiyaadka geysta falalka is qarxinta ah ee Soomaaliya ka dhaca waxaana uu intaa ku daray inuu xiriir wanaagsan iyo wada shaqeynba la leeyihiin hay’adda FBI,da Maraykanka oo uu sheegay inay xog siiyaan.

Michael C. Stock waxa uu sheegay inay ciidamada dawlada iyo kuwa Midawga Africa ee AMISOM ay ka saacidaan sidii ay u sugi lahaayeen amaanka xarumaha dawlada iyo madaxda dalka.

Wakaaladda wararka Angola ee ANGOP waxay ku waramaysaa in ciidamada shirkadaan dhawr jeer lagu arkay wadooyinka MUqdisho iyagoo caawinaya ciidamada dawlada Soomaaliya.

Xarakadda Al-Shabab ayaa dhawaan sheegay in weerar ay ku qaadeen xarun ciidamada dawlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ku lahaayeen degmada Wardhiigley ay ku dileen saraakiil caddaan oo ay Maraykan ku sheegeen.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”