now read this news about cuuke for today
next time dont be easy to trick on you be cleverGuddomiyaha Gobolka Mudug Oo Gaalkacyo kusoo wajahan.
Muqdisho(Puntlandi.com0);- Gudomiyaha Gudiga Amniga iyo mamulka Gobolka Mudug Maxamuud C/raxmaan Cuuke ayaa lagu wadaa inuu soo gabagabeeyo safaro shaqo uu 24saac ee lasoo dhaafay ku joogay magaalada muqdisho ee caasimada soomnaaliya.
Gudoomiye Cuuke ayaa gaaray magaalada muqdisho ,waxaana warar xaqiiqda ka fog laga faafiyay safarka guddomiye Cuuke, kuwaas oo ku aadanaa in xilka laga qaadayo ama uusan dib usoo laabanayn gudooomiye Cuuke, balse aysan taasi jirin oo been abuur ah sida puntlandi.com ay u xaqiijiyeen masuuliyin katirsan xafiiska guddomiyaha.
Dhinaca kale waxaa socda dadaalo iyo baaqyo taageero ah oo ay wadaan jaaliyadaha dibada ee kasoo jeeda gobolka mudug ee ku dhaqan wadamada, Maraykanka, In giriiska, Sweden, Norwey, Denmarka, Qatar,iyo Kenya oo ay ku codsanayaan in guddomiye cuuke oo iftriimiyay wadada waxqabadka iyo raadinta amniga gobolka uu sii jooga oo uu xilka u hayo bulshada samaha jecel.
waxaana baaqyadan isdaba jooga ah iyo fariimaha jaaliydaha ay gaareen madaxda sare ee puntland oo ugu horreeyo madaxwanaha dowlada puntland.
Tan iyo Habeenkii Xalay ahaa waxaa soconayay kulamo isdaba joog ah oo dhinaca khadka telefoonka ah o ay wada qaadanayeen qurbajoogta ,madaxwanaha puntland iyo golaha wasiirada ee kasoo jeeda gobolka mudug.
Gudoomiye Cuuke ayaa ah shakhsi soo jiitay dareenka bulshada gudaha iyo dibada muujiyayna karti iyo kalsooni ku aadan waxqabad ioyo caddaalad.
