children day in puntland

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

children day in puntland

Post by FBISOMALIA »

Image

Munaasabad balaaran oo lagu xusaayo malinta dhalinyarada aduunka ayaa maanta lagu qabtay xarunta wasaarada Shaqada shaqaalaha, dhinyarda iyo isboortiga taasoo ay ka soo qayb galeen masuuliyiin kala gadisan oo uu kamid yahay Madaxwayne kuxigeenka Puntland C/samda Cali Shire,wasiirka Shaqada, Dhalinyarada iyo isbortiga C/wali Indho Guran, xildhibaano, duqa degmada Garoowe iyo marti kaloo badan.

Iyada oo ay maanta ku beegan tahay maalinta dhalinta adduunka 12 August, ayaa munaasabadda xoogeedu ahaa sidii dhalinta loogu baraarujin lahaa in ay ka feejignaadaan waxyaabaha xun, isla markaana ay u noqon lahaayeen kuwo bulshada anfaca. Waxaana muhimadda kulanka qeexay Agaasimaha guud ee wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha Axmed Xassan Bile, Agaasimaha ayaa ka sheekeeyey sida wasaaraddu ugu hawlantahay wax ka beddelka dhaqamada dhalinyarada, sida kuwa caadeystey bur-cadbadeednimada oo loo furo waxyaabo lagu dhaqan celinaayo.

Image

Wasiirka Shaqada Shaqalaha, Dhalinta iyo Isboortiga Md,C/wali Xirsi Cabdule (Indho Guran) ayaa isna goobtaas ka hadalaya waxaana uu sheegay in dowalad kasta oo adduunka ka jirta ay ku sugan tahay xaaladda dhalinyaradeedu ku sugan tahay tasoo aan ula jeedo ayuu yiri hadii dhalintaa dowalada ay ku sugan tahay burcadnimo dowaladeedan waxay noqon burcad oo kale hadii ay dagaal ku jiraan dhalinta dowaladoodana waa mid lamid ah, dowalad kastoo maanta u dabaaldagaysa 12 Agoust waxaa ay ku sugan tahay xaaladda dhalinteeda ay ku sugan tahay waayo inta badan aduunka waa dhalinyaro haddaan hada tusaalo u soo qaato Puntland ayuu yiri wasiirka dhalinyarda Puntland bulshada 70% waa dhalinyaro ama ka badan marka sidaa ayaa dowlad kasat dhalinteeda waxaa ay ahaato in ay noqoto ku khasbaysa

C/wali Indho Guran ayaa ugu danbayntii sheegay in munaasabadaan midda xigta ay noqandoonto maalinta dhalinyarda Puntland tasoo ay ku soo bandhigi doonaan sharciga dhalinyarada oo dhawaan ay wasaaraddu horgaysay baarlamaanka Puntland baarlaamkuna uu an sixiyay.

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Gen C/samda Cali Shire ayaa ugu danbayntii munaasabadda ka hadalay waxaana uu sheegay in siwayn ugu faraxsan yahay munaasbadda maanta lagu xusaayo maalinta dhalinyarda aduunka, waxaana munsabadaan markii aan arkay aan u malyanyaa ayuu yiri Madaxwayne Kuxigeenka in ay tahay markii ugu horaysay ee sidaan loo xuso taasoo muujinaysa in aanu maamulka aanu hadda madaxda ka nahay uu asiibay qofkii ku haboonaa Wasaaradda dhalinyarada in uu hoggaamiyo.

Madaxwayne ku xigeenka ayaa sidoo kale xusay madaama ay dhalinta ay yihiin lafdhabarta hormaraka loo baahan yahay in lagu dedaalo sidii ay waxa xun uga hari lahaayeen.

Xuska Maalinta Dhalinyarda Aduunka ee ku beegan 12 August ee lagu xusay maanta Wasaardda Shaqada iyo Shaqaalaha ayaa waxaa kaloo lagu soo bandhigay ruwaayad dhalinta looga waaninaayo waxaa xun sidii ay isaga ilaalin lahaayeen.

Maxamed Saciid Yuusuf
Wakiilka Horseed Media
Garoowe-Puntland
User avatar
tightrope
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6581
Joined: Thu Jul 15, 2010 1:46 pm
Location: U MAD SOUTHIE?

Re: children day in puntland

Post by tightrope »

FBISOMALIA wrote: Image
NICE SUNGLASSES :up:
User avatar
AgentOfChaos
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10113
Joined: Mon Aug 01, 2011 2:41 pm

Re: children day in puntland

Post by AgentOfChaos »

I'm not a rocket scientist or anything but I'm pretty sure those aren't children.
User avatar
garoweboy
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8248
Joined: Sun Nov 22, 2009 9:05 pm
Location: Puntland, #GGMU

Re: children day in puntland

Post by garoweboy »

AgentOfChaos wrote:I'm not a rocket scientist or anything but I'm pretty sure those aren't children.
:lol: :lol:
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Re: children day in puntland

Post by FBISOMALIA »

AgentOfChaos wrote:I'm not a rocket scientist or anything but I'm pretty sure those aren't children.
inside somalia high school boys are children to them 8-)
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”