
Dahir Aweys has today, confirmed defeat. He said Al-Shabaab are ready to talk to the Somali government, but under 1 condition.
What is the condition?
The condition he put, was that if AMISOM confirm the date they will leave Somalia then we will talk to the government. This condition was never expected from Al-Shabaab, as usual their condition used to be 'we won't put our weapons down until AMISOM leave' but allhamdulilah today things are different. Since the Hero of Somalia Mr. Farmaajo came into power things has turned the worse for Al-Shabaab.
These people that were demonstrating in the heat 2 months ago, have finaly got HOPE. This year was a historical year for Somalia that nobody will forget.

Muqdisho, Somalia (AOL) –Hogaamiyihii hore Ururka Xizbul Islaam haatana ka mid ah saraakiisha sar sare ee Xarakada alshabaab Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa ka dhawaajiyey in ay heshiis ay la galaan dowladdaKMGSoomaaliya aysan hadda suuragal ahayn arrimo la xariira Soomaalida oo aan xor u ahayn in ay Aayaha dalkeeda ka tashadaan isla markaana anan ahayn dad xor ah madax banaanidooda.
Waxa uu shaaciyey Sheekh Xasan Daahir Aweys in ay diyaar u yihiin wada hadal ay la galaan DowladdaKMGsoomaaliya dhanka Xarakada alshabaab haddii buu yiri ay cadeeyaan AMISOM waqtiga ay ka baxayaan soomaaliya, haddii ay taasi dhacdo uu shegay in ay diyaar u noqonayaan wada hadal ay la galaan DowladdaKMGSoomaaliya.
Sheekh Xasan Daahir Aweys waxa uu sheegay in AMISOM aysan diyaar u ahayn in ay cadeyso goorta ay ka baxayso Soomaaliya, taasina aysan suuragal ahayn in ay wada hadal la galaan inta wadanka ay joogaan ciidamadaasi oo uu sheegay in ay gumeysi u joogaan wadanka Soomaaliya.
Dhanka kale Sheekh Xasan Daahir Aweys waxa uu sheegay in la xaliyey khilaaf yar oo uu sheegay in uu u dhaxeeyey Saraakiisha Xarakada Al-shabaab.
Ugu danbeyntii Sheekh Xasan Daahir Aweys waxa uu ugu baaqay Ciidamada Xarakada alshabaab in ay xoojiyaan dagaalada ay kula jiraan DowladdaKMGsoomaaliya iyo Ciidamada AMISOM ayna adkeeyaan gobolada kale ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya oo ay maamusho Xarakada Hubaysan ee Alshabaab.
Daahir Guuleed, Muqdisho/Somalia.