Golis oo gargaar gaarsiisay Isbitaalka iyo xabsiga Gaalkacyo

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Golis oo gargaar gaarsiisay Isbitaalka iyo xabsiga Gaalkacyo

Post by FBISOMALIA »

Image

Gaalkacyo (RBC Radio):- Shirkadda isgaarsiinta Golis ayaa waxay deeq gargaar ah gaarsiisay dadka bukaanka ah ee ku jira isbitaalka guud ee gobolka Mudug iyo maxaabiista ku xiran xabsiga dhexe ee magaalada Gaalkacyo

Saraakiil iyo shaqaale ka tirsan shirkadda isgaarsiinta Golis ayaa iyagoo wada socda waxay tageen isbitaalka guud ee gobolka Mudug halkaasi oo ay ka bilaabeen bixinta lacago deeq ah oo ay shirkaddu ugu talo gashay in ay afur ku sameystaan dadka bukaanka ah ee ku jira gudaha isbitaalka guud ee gobolka Mudug.

Bukaanka jiifa qeybaha kala duwan ee isbitaalka ayaa shirkadda Golis waxay gaarsiisay dhaqaale dhan 500,000 (shan boqol kun) oo la siiyay qof kasta oo ka tirsan bukaanka ku jiray isbitaalka guud ee gobolka Mudug.

Madaxa xiriirka dadweynaha ee shirkadda Golis Gaalkacyo C/waaxid Garawaan, Injineer Muuse Faarax iyo Maxamed Indha-koombe oo ah Madaxa shaqada iyo shaqaalaha shirkadda Golis Gaalkacyo ayaa lacagta si waafi ah u gaarsiiyay bukaankii loogu talo galay ee ku jiray gudaha Isbitaalka guud ee gobolka Mudug.

Qeybaha isbitaalka sida qeybta hooyada iyo dhalaanka, qeybta bukaan jiifka iyo qeybo kale oo bukaanku jiifeen ayaa la gaarsiiyay dhaqaalaha shirkadda Golis ay ugu talo gashay in ay afur ahaan u isticmaalaan dadka bukaanka ah.

Qaar ka mid ah bukaanka la siiyay lacagta ka timid Golis ayaa waxay uga mahad celiyeen shirkadda waxayna qaarkood u duceeyeen mas’uuliyiinta ka socotay shirkadda iyo dhamaan ciddii soo agaasintay barnaamijkani.

Dhinaca kale Madaxa xiriirka dadweynaha Golis Gaalkacyo C/waaxid Garawaan ayaa waxaa uu deeq lacageed oo dhan $500 (shan boqol doolar) ku wareejiyay Agaasimaha isbitaalka guud ee gobolka Mudug C/raxmaan Maxamed Jaamac, dhaqaalahaasi oo ay Shirkadda Golis ugu talo gashay in la gudoonsiiyo shaqaalaha isbitaalka guud ee gobolka Mudug.

Muuse Faarax oo ah Injineerka shirkadda Golis qeybteeda Gaalkacyo ayaa sidoo kale deeq lacageed oo dhan saddex milyan oo shilin Soomaali ku wareejiyay Marwo Zeynab, deeqdaasi oo loogu talo galay wiil yar oo agoon ah oo dhaawac ah kaasi oo aan heysan wax dawo iyo cunto loogu iibiyo.

Injineer Muuse wuxuu sheegay in dhaqaalahani la gaarsiiyay shaqaalaha isbitaalka, bukaanka jiifa gudaha isbitaalka iyo maxaabiista ku jirta xabsiga dhexe ee Gaalkacyo, wuxuuna intaa ku daray in Shirkadda Golis ay ugu talo gashay in ay taageerto bulshada iyo macaamiisheeda gobolka Mudug.

Dhanka kale mas’uuliyiinta shirkadda Golis waxay socdaal ku tageen xabsiga dhexe ee magaalada Gaalkacyo halkaasi oo ay ku xiran yihiin maxaabiis farabada oo muddo halkaasi ku xirnaa.

Image
Taliyaha xabsiga oo gudoomay xoolo ay maxaabiista ugu deeqday shirkada Golis

Mas’uuliyiinta ka socotay shirkadda Golis waxay Saraakiisha xabsiga dhexe ee magaalada Gaalkacyo ku wareejiyeen tiro xoolo ah oo loogu talo galay in loo qalo dadka maxaabiista ah ee ku jira xabsiga dhexe iyo ciidamada ilaalinaya.

12 neef oo ari ah ayaa lagu wareejiyay Taliyaha xabsiga dhexe ee Gaalkacyo G/dhexe Aadan Nuur Qaal, iyadoo Taliyuhu ka mahad celiyay deeqda xoolaha ah ee ay soo gaarsiisay shirkadda Golis Gaalkacyo.

Gargaarkani shirkadda Golis ay gaarsiisay xabsiga dhexe ee Gaalkacyo iyo Isbitaalka guud ee gobolka Mudug ayaa qeyb ka ah barnaamijyo shirkaddu ugu talo gashay in ay gaarsiiso shacabka iyo macaamiisheeda gobolka Mudug.
quark
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7820
Joined: Sat Oct 16, 2010 1:22 pm
Location: Xarunta Xisbiga Gooni Isu Taaga Dal udug

Re: Golis oo gargaar gaarsiisay Isbitaalka iyo xabsiga Gaalk

Post by quark »

golis :up:
Southie4life
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 481
Joined: Thu Apr 16, 2009 10:16 am

Re: Golis oo gargaar gaarsiisay Isbitaalka iyo xabsiga Gaalk

Post by Southie4life »

FBISOMALIA wrote:Image
some people have no shame and will take any photo opputrunity,,,let the poor live with some self-respect,,,,,,what a generous and humble man :roll: ,,,,
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Re: Golis oo gargaar gaarsiisay Isbitaalka iyo xabsiga Gaalk

Post by FBISOMALIA »

Southie4life wrote:
FBISOMALIA wrote:Image
some people have no shame and will take any photo opputrunity,,,let the poor live with some self-respect,,,,,,what a generous and humble man :roll: ,,,,
east africa pl no need for your SSC party organizers opinion:|
User avatar
Amilla
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1791
Joined: Thu Mar 19, 2009 10:57 am

Re: Golis oo gargaar gaarsiisay Isbitaalka iyo xabsiga Gaalk

Post by Amilla »

I have to agree with the sheegato southie4life on this one.

I am glad Golis are assisting the hospital and the patients but why take a picture of the poor woman. It is not sadaaqo if you show it off.
Southie4life
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 481
Joined: Thu Apr 16, 2009 10:16 am

Re: Golis oo gargaar gaarsiisay Isbitaalka iyo xabsiga Gaalk

Post by Southie4life »

fbisomalia u need to find out with gen samatar is,,,a minister that served under all of puntlands presidents,,,,,if u dont know who he is,,,i doubt you are from puntland,,,,also learn to read somali,,,,,,amilla im sheegato because i condemn farole?,,,,like people who went against bush during the beginning of the iraq war being called unamerican,,,,,,,farole is a slimy criminal coward,,,,he'll see his power when he tries to stay more than his 4 years,,,,
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”