(Hadhwanaagnews) Monday, August 15, 2011
Ceerigaabo(HWN)Tababar ku sabsan dhirbarista, sonolayta kaymaha iyo mamulista khayradka dabiciga ah (community forestry and plantation training for Natural Resource Management) oo qayb ka ah mashruuca layidhahado People
Ceerigaabo(HWN)Tababar ku sabsan dhirbarista, sonolayta kaymaha iyo mamulista khayradka dabiciga ah (community forestry and plantation training for Natural Resource Management) oo qayb ka ah mashruuca layidhahado People to People environment Peace Building Program (PPEPS) uu fulinayay ururka wadaniga ah ee Somaliland Youth Development Voluntary Organization (SOYDAVO) xafiikisa ceerigabo, maal galisay Hayada Mercy Corps ayaa u furay 30 xubnood oo ka kooban qaybaha kala duwan ee bulshada ceerigabo sida (aqoon yahanad, haweenka, ururada maxaliga ah iyo dhalinyarda) hotelka sanaag.

Mudadii tobabarku socday waxaa la baray ka soo qayb galayaashi habka u haboon ee dhir beerista loo sameeyo, faaidada dhirtu noolaha iyo degaankaba u leedahay, sida khayradka dabiciga looga faaidaysan karo, sida u haboon ee deegan xalufinta loo yareynkaro iyo isticmalida tamar kaduwan dhuxusha oo degaanka faidooyin u leh.
Mudadii uu tababarku socday ka qayb galayaashu waxay koox koox uga doodeen kaalitna ay bulshadu dhir beerista iyo ilaalinta deegaanka ka qaadankarto. Markay ka hadlayeen dhir beerista qodobadan ayay xuseen:
1. waa in labeero dhirta sii yaranaysa sida Galool, Qudhaca, Yube, darayga iyo Gobka
2. In cid ilaalisa dhirta loo sameeyo (forestry guard)
3. In biyo, daryeel iyo cadceed ku filan uu helo geedku marka la beerayo
4. In loodorto dhirta geed waliba halka uu ka bixi karo cimilo ahaan (dhir beeristu waa halbowlaha uu degaanku ku dhisanyahay)
Markay ka qaybgalayaashu ka doodayeen kalinta ay bulshadu ka qadankarto ilaalinta degaanka waxay xuseen in ay muhiim tahay:
1. In ay ogadaan cid u maqan degaanka oo aan aheen iyaga (bulshada) aysan jirin.
2. Wacyi galin baladhan oo magaalo iyo miyiba la qaado si dadka dkhatarta xalufinta deganka loogu bararujiyo.
3. Waa in lasameeyo iskashto dhuxuley ah oo xukumadu heshiis la gasho si ay u yaraato qabaka sharcidaro ee dhuxusha dabadaha looguiib gaynayo.
4. In lasameeyo gudiyo ilaaliya deeganka kana soo jeeda goob walba dadkeeda
5. In dadweynaha la siiyo tababaro ku sabsan tamar aan ahay dhuxusha si ay uga marmi karaan dhuxusha.
Kadib waxa halkaa kaqayb galayaashi tobabarka loogu soo bandhigay shoolad cusub oo isticmalaysa tamar ka duwan ta gaasta iyo laydhka. Hasayeeshee istic malaysa tamar ka kooban dufan iyo xaydho oo wax khatar , qiiq iyo qashin toona lahay aadna uga jaban dhuxusa iyo tamarah kale ee la isticmalo. Aad iyo aad bay u soo dhaweyeen kaqab galayaashu iyagoo xusay in shooladan ay wax weyn ka tari doonto ka marmida dhuxusha oo sameyn weyn ku leh xaaluf degaanka.
Gabogabdii tababarka wax qayb galayaashii lagu bararujiyay in ay qay laxaad ka qaataan wacyi galita dadweyna dhinac dhir beerista si loodaba qabateeyo degaanka iyo in ay uga faideeyaan dadweynaha wixii ay ku barteen tababarkan.
Hadhwanaagnews
Ceerigaabo