Gudiga waxaa la Magacaabay 16 /5/2011 waxaana uu ka Kooban yahay 10 Xubnood oo isugu jira Wakiilada Xukuumada, Baarlamaanka , Bulshada Rayidka & Hay,adaha UNka ,JLPG& Lacal Government,
Gudigaan oo ayaa Soojeedinta Asaaskiisa Waxaa lahaa Hay,ada Horumarinta & Cilmi Baarista ee Puntland waxaana ansixiyey Madxweynaha Puntland C/raxman Maxamed Farole,
Ujeedada Gudiga loo sameeyey waxaa ay ahayd Baahinta Maamulka & Raadinta Caqabadaha Maamul Baahinta Hortaagan ee Puntland, Gudiga ayaa kusoo Bandhigay waxqabd,Baaq & Tub loo Raacidoono Wadada Maamul Baahinta Puntland,Xarunta Horumarinta & Cilmi Baarista Puntland ee PDRC oo iyadu Dhanka Farsamada ka Daadihinaysa Barnaamijka Maamul Wanaaga & Baahinta Deegaanada Puntland,
Maryan Maxamed Cabdulle (M.Cawar) waa Afhayeenka Gudiga Maamul Baahinta Puntland waxaa ay Warbaahinta u Jeedisay Warbixin ku saabsan Baaqa Gudiga , Wixii u Qabsoomay & Howlaha ay Guda Galeen waxaana ay sheegtay in ay :
Daraasad ku samaysay Hay,ada Horumarinta & Cilmi Baarista ee PDRC, 15 Degmo oo ka mida Degmooyinka puntland , waxaa la soo Ogaaday Caqabadaha Haysta Shaqooyinka Golayaasha Deegaanka oo ay ka midyihiin ,
Wada shaqayn la,aan Bulsho & Golaha Degmooyinka
Xulashada Golaha oo Liidata Keentana Isqabqabsi Joogta ah & Burbur
Ilaha Dhaqaalaha Degmooyinka oo Xadidan Taasoo Keentay Hoos u Dhaca Adeegyada Bulshada
Dowlada Dhexe & Dowladaha Hoose oo Liita,
Maryan waxaa kaloo ay sheegtay in Markaa Kadib la Sameyey Gudiga Maamul Baahinta Waxaa uu Guda galay Qorshe Howleed & Habkii la Raaci laha,
Sidoo kale waxaa ay Sheegtay in Gudigu Howlihiisa kowaad uu ka Bilaabay wada shaqaynta Wasaarada Arrimaha Gudaha waxaana uu Xushay 5 Degmo oo lagu Tijaabinayo Hirgelinta Barnaamijka Xoojinta Dimoqraadiyadda ee ka Qaybgalka Bulshada, Shanta Degmo waxaa loo Xushay , Baran ,Jariiban ,Taleex,BanderBayla,&Eyl
Afhayeenku waxaa kaloo ay Xustay in la ogaaday in Degmooyinka Laamiga ku yaal ay helaan Xogaha soo Baxa lakiin ay ku yartahay Xogtu kuwa ka leexsan Wadad Laamiga ah,
Waxaa la Diyaariyey shirweyne Daahfur ah oo ay ka soo Qaybgaleen wakiilo shanta Degmo & Gudiga Hogaaminta Maamul Baahinta & pdrc oo ka Caawinaysa Barnaamijka Dhanka Farsamada ,
Shirkaa ayey Sheegtay in Wakiiladu ay is ka dhexdoorteen 5 Xubnood oo la shaweyndoona Gudigaan,Gudigu waxaa uu Qorsheeyey in la Sameeyo Daraasad ku aadan sidii ay u wada Shaqayn lahaayeen Dadweynaha &Golayaasha Deegaanka iyadoo shantaan Degmona yihiin kuwii lagu Bilaabi lahaa Hirgelinta Maamul Baahinta si Loo Xoojiyo Wadashaynta Dowlada Dhexe
Golayaasha Deegaanada & Dadweynaha Puntland Waxaana loo Gudbidoonaa Degmooyinka kale ee Dalka ,
Ayadoo la Hirgelindoono Fulinta Barnaamijka ku aadan Xoojinta Dadweynaha & Arrimaha Deegaanka Taasoo mihnaheedu yahay sidii ay u wada shaqayn lahaayeen Golaha Deegaanka & Dadweynaha,
Maryan ayaa Baaq u jeedisay odayaasha Dhaqanka & Nabadoonada kazoo ku aadan in ay Qofka ay u Xulanayaan Xubinimada Golaha Deegaanka ,Odayaashu Ha keeneen Golaha Degaanka Qof Buuxin kara Kaalinta Masuuliyadeed ee kaga aadan Horumarka & Waxka Qabashada arrimaha arrimaha Xafiisyada uu ka Howlgalayo Xildhibaanka Deegaanku,
Gabagabadii Maryan waxaa ay sheegtay iyadoo ku Hadlaysa afka Gudiga Maamul Baahinta in ay Wax Mira Dhala ka Rajaynayaan Barnaamijka Maamul Baahinta Deegaanada Puntland,
RBC Radio
Xafiiska Wararka ee Garowe
Gudiga Baahinta Puntland oo soo Bandhigay Waxqabadkoodii
Moderator: Moderators
- FBISOMALIA
- SomaliNet Super
- Posts: 9254
- Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
- Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 315 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 0 Replies
- 149 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 1 Replies
- 455 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 0 Replies
- 347 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 1 Replies
- 307 Views
-
Last post by Aseelah-Raaida
-
- 0 Replies
- 460 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 0 Replies
- 295 Views
-
Last post by AbduQadir
-
- 10 Replies
- 655 Views
-
Last post by original dervish
-
- 2 Replies
- 333 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 0 Replies
- 179 Views
-
Last post by Keyse_0208