Garoowe(PP)- Waxaa maanta maxkamada darajada koowaad ee gobalka nugaal gaar ahaan magalada garoowe la soo taagay maxaabiis ay dhowaan ay gacanta ku soo dhigeen ciidamada daraawiishta Puntland, kuwaas laga soo qabtay deegaanka Taleex.
Maxaabiista maxkamada la soo taagay ayaa gaarayey 9 qof oo ay 5 ka mid ah ahaayeen masuuliyiinta gobolka Sool, halka 4-ta kalena ay ahaayeen ciidanka maaulka Somaliland. Xeer ilaaliyaha maxkamada ayaa maxkamada ka hor akhriyay dacwada loo haysto eedaysanayaashaasi maanta la hor keenay maxkamada, wuxuuna sheegay in lagu soo eedeyay ragaani inay fowdo iyo qas ay ka waden degmada Taleex, ayna gacanta ku soo dhigeen ciidanka daraawiishta Puntland.
Guddoomiyaha maxkamada darajada koowaad C/nuur Jaamac, ayaa markii uu dhagaystay dacwadaasi ,waxa uu go’aamiyay in dib loo dhigo maalinta Axada ee soo socta dacwada raggaani, waxaana halkaasi maanta kusoo xirmay dacwada maxabiistani kasoo jeeda somaliland.
C/nuur Jaamac Xuseen oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa oo ay saxaafadu ay wax ka waydiisay sababta maanta maxkamada loo keeni wayay raggii kale ee lala soo qabtay & sababta kuwan kaliya maxkamada loo horkeenay ,ayaa waxa uu ku sababeeyay qab kan ” waxay dhan yihiin 19 Maxbuus nin ka mida waxaa uu u geeriyooday Dhaawac ,7 Nin Dowlada ayaa sii deysay ka ddib markii lagu waayey Wax danbi ah ,waxaa kaloo la sii daayey mid ka mida 3 Gaari oo lagu soo qabtay Eedaysanayaasha,Iyadoo labada Gaari oo kale la xukumi-doono Maalinta Axada ah ee soo socota” ayuu hadalkiisa ku soo koobay Guddoomiyaha maxkamadu.
Ugu danbayntii guddoomiyaha maxkamada C/nuur Jaamac Xuseen ayaa sheegay in dib loo dhigay edaysanayashani kiiskooda ,isagoona intaasi raaciyay in si toos ah loo qaadi dooni maalinta Axada dacwadooda, isla markansa lagu samayn doono dib u eegis ballaaran.
Wakiilka Puntlandpost-Puntland
sl prisoners stand infront garowe court
Moderator: Moderators
- FBISOMALIA
- SomaliNet Super

- Posts: 9254
- Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
- Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY
- FBISOMALIA
- SomaliNet Super

- Posts: 9254
- Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
- Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY
Re: sl prisoners stand infront garowe court
sl should stop Recruitment small kids 
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 15 Replies
- 88 Views
-
Last post by Mj_Prince
-
- 12 Replies
- 922 Views
-
Last post by gemini07
-
- 9 Replies
- 986 Views
-
Last post by kambuli
-
- 8 Replies
- 995 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 3 Replies
- 595 Views
-
Last post by grandpakhalif
-
- 52 Replies
- 2838 Views
-
Last post by king of kismayo
-
- 46 Replies
- 1915 Views
-
Last post by CigaalSHiiDaaDCFC
-
- 3 Replies
- 556 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 0 Replies
- 348 Views
-
Last post by Perfect_Order
-
- 55 Replies
- 6493 Views
-
Last post by Aseelah-Raaida