
Garowe(Pi) Madaxweynaha Dowlada Puntland ee Soomaalia MD. Cabdiraxmaan Sh. MM. Faroole ayaa Xaley xasho sharaf madaxtooyada ugu sameeyey Wafti ka socda Laanqayrta cas ee Norway, Waxaa kaloo waftiga waheliyey wafti iyana ka socda Laanqayrta cas ee Soomaaliya oo uu horkacayo Madaxa Bisha Cas ee Soomaaliya Axmed Maxamed Xasan, dhinaca Norway waxaa hor kacayey Madaxa Laanqayrta Cas ee NorwaySven Mollekleiv.
Casha sharafta oo afurkii ka dib ka dhacdey Madaxtooyada waxaa iyana goobjoog ahaa Madaxweyne Kuxigeenka PL Mudane Cabdisamad Cali Shir iyo Wasiirka Caafimaadka Mudane Cali Cabdullahi Warsame.
Waftigaan oo socdaalkoodu ahaa u kuurgalida howlaha Laanqayrta Cas ee Norway ay ka wado Deegaanada Puntland ayaa Cashada ka hor maalinimadii isniinta waxey kulamo kala gadisan la yeesheen Masuuliyiinta Wasaarada Caafimaadka Puntland .
Mr. Sven Mollekleiv oo ah Madaxa u sareeya Laanqayrta Cas ee Norway ayaa Madaxweyne Faroole uga mahad celiyey Casha sharafta iyo soo dhaweynta loosameyey, wuxuuna sheegey in Xiriirka Puntland iyo Norway uu yahey mid wanaagsan howlaha ay Norway ka wado ama damacsantahey iney ka fuliso deegaanada Puntland na ay yihiin kuwo ay Norway uga qayb qaadaneyso Horumarinta Puntland.