Maxkamadda Gobolka Hargeisa oo xukun ku ridday masuuliyiin ka tirsan Dawladda Somaliland
Talaado, Ogoosto 16, 2011 (HOL) – Maxkamada Gobolka Hargeysa ayaa midkiiba shan sanadood oo xadhig ah ku xukuntay masuuliyiin ka tirsanaa Dawladda, ka dib markii lagu helay inay lunsadeen hanta Qaran.
Masuuliyiintan oo kala ah Agaasimihii maamulka iyo lacagta ee wasaarada waxbarashada Ibraahim Amiin Gadiid iyo Agaasimaha Xarunta Agoomaha Hargeysa Cabdirisaaq Cabdilaahi Maxamed (Kildhi), ayay dhegaysiga dacwaddoodu dhawaanahanba ka socotay Maxkamadda gobolka Hargeisa.
Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Hargeysa Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan, ayaa ku dhaawaaqay xukunka labadan masuul, ka dib markii sida uu sheegay ay Maxkamaddu dhegaysaay markhaatiyadii ku marag-furayay masuuliyiintan, ayay xukun xadhig ah ku ridday. Guddoomiyuhu wuxuu fadhigii maxkamadda kaga dhawaaqay in Ibraahim Aamin Gadiid lagu xukumay shan sanadood oo xadhig ah iyo inuu soo celiyo lacag caddaan ah oo uu ka soo qaaday Hay’adaha caalamiga ah ee wasaarada waxbarashada la shaqeeya, lacagtaasi oo dhamayd $107-kun (Boqol iyo toddoba kun oo dollar) oo lagu helay inuu isagu si gaar ah ugu tagri falay. Waxa kale oo uu sheegay in Ibraahim Aamin lagu helay inuu lunsaday lacag dhan 110-Milyan oo shilin Somaliland ah oo wasaaradda waxbarashaddu lahayd.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha maxkamadda gobolku wuxuu halkaa ka sheegay in Agaasimihii hore ee Xarunta Agoomaha Hargeysa Cabdirisaaq Cabdilaahi Maxamed (Kildhi) isna lagu xukumay shan sanadood oo xadhig ah, ka dib markii sida uu sheegay lagu helay inuu lunsaday Raashin ay lahaayeen xarunta Agoomaha Hargeysa. Waxaanay maxkamaddu ku amartay in labada nin in ay xarunta agoomaha u soo celiyaan lacag dhan 70-Milyan oo shilinka Somaliland ah oo ay si wadajir ah u musuqmaasuqeen.
Maxkamada Gobolka Hargeysa ayaa ammaankeeda aad loo adkeeyay fintii fadhiga maxkamadda ee xukunku socday, waxaana la soo dhoobay ciidan aad u tiro badan oo Boolis ah, iyadoo la xidhay jidadka hormara Maxkamadda.
Tan iyo intii la magacaabay Hanti-dhawraha guud, waxa isa soo tarayay daba-galka uu ku hayo masuuliyiin hore xilal uga soo qabtay dalka iyo kuwo hadda haya, kuwaas oo qaarkood hore loogu xukumay falal musuqmaasuq.
Barkhad M. Kaariye, Hiiraan Online
barqad@hiiraan.com
Hargeisa, Somaliland
masuuliyiin ka tirsan Somaliland judge in hargisa court
Moderator: Moderators
- FBISOMALIA
- SomaliNet Super

- Posts: 9254
- Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
- Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 2 Replies
- 538 Views
-
Last post by TheblueNwhite
-
- 4 Replies
- 633 Views
-
Last post by NewHargeisaGirl
-
- 1 Replies
- 780 Views
-
Last post by kambuli
-
- 1 Replies
- 418 Views
-
Last post by skywalker25
-
- 10 Replies
- 1196 Views
-
Last post by tightrope
-
- 26 Replies
- 159 Views
-
Last post by Tegaru
-
- 26 Replies
- 1568 Views
-
Last post by Tegaru
-
- 50 Replies
- 7068 Views
-
Last post by THE_TRUTH1