SPDPparty Chairman Ismacilyare Calls Buurmadow Boqorka Jinka

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

SPDPparty Chairman Ismacilyare Calls Buurmadow Boqorka Jinka

Post by The_Emperior5 »

Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka Nabada iyo Horumarinta Mr Ismaaciil Adan Cusmaan oo ku Tilmaamay Boqor Buurmadaw Boqorka Jinka.

Image

"Waxaan Gudoomiyaha Xisbiga Ucid U aqoonsanahay Faysal Cali Waraabe" Wasiirkii Horre ee Arimaha Gudaha Somaliland

Hargeysa(GNS) Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka Nabadda iyo horumarinta, ahaana jirey Wasiirkii Hore ee Arimaha Gudaha Somaliland, ayaa sheegay in boqor Buurmadow aanuu ahayn Boqor, Balse uu ku ugaadho magaca boqornimo, waxana uu tilmaamay in Boqor Buur-Madow uu yahay Boqor Jini Sidaas waxa uu ku Sheegay mar uu lahadlayay qaar ka mid ah Warfidiyeenada dalka, isaga oo ku sugan Xafiiskiisa uu ku lee yahay Magaalada Hargeysa , waxana uu intaasi ku daray in ay boqor buur madow ay doorteen laan ka mid ah beesha uu ka soo jeedo Cismaan Buurmadow , sidaas darteedna uu u yahay boqor u yahay reerka doortay. Waxana ka mid ahaa hadaladisii “Boqor Buur madow marka uu tago dalalka kale ayaa uu umada been u sheegaa oo uu yidhaahdaa waxaan ahay boqorka beelaha Somaliland, mana ahaa xaqiiqdii boqor matali kara beelaha Somaliland, waxana doortay jifo ka mid ah beel weynta habar jecelo, beeshana waa la yaqaan suldaankooda guud waana Suldaan C/Laahi, oo ah nin sharaf ku leh beelaha Somaliland, Madaxweynaha Somaliland Cod buu ku Fadhiyaa kursiga, waxbana kama sheegi karo Boqor buurmadow Madaxweynaha”.

Ismaaciil Aadan Cismaan waxa uu sidoo kale ka hadalay aragtida uu ka qabo Gargaarka Xukuumada Somaliland ku dhawaaqday in ay ufidinayso walaalahooda koonfurta Somaliya ee ay Abaarta iyo gaajadu isku raacday, waxana uu sheegay in uu soo dhaweenayo arintaasi isaga oo tilmaamay in ay tahay mid Sax ah oo loo baahan yahay, waxana uu Xukuumada ku Habmalyeeyay Sida geesi nimada leh ee ay ugu dhiiratay arintan.

Wasiirkii Hore Ee Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Mudane Ismaaciil Aadan Cismaan Waxa sidoo kale uu ka hadalay Khilaafka soo kala dhex galay hugaanka sarre ee Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka ee UCID waxana uu tilmaamay in uu gudoomiye uu u aqoonsanayahay Eng Faysal Cali Waraabe, isla markaana waxa uu xukuumada ku dhaliilay in ay ka gaabisay xal uhelida Hogaanka Sarre ee Xisbiga Ucid, waxana uu usoo jeediyay Masuuliyiinta Xisbigaasi in ay wada hadal iyo is afgarasho ay ku dhameeyaan Arintaasi.

Dhanka kale Mar la weydiiyay Sida uu u arko safarka uu Madaxweyne Siilaanyo ku marayo Dalka China waxa uu kaga duwanaan karro Safaradii Madaxweynayaashii hore ku tagi jireen Wadamada Qaar ayaa waxa uu sheegay in Safarkan uu rajeenayo in uu wax badan kaga duwanaan karro Safaradii hore isaga oo tilmaamay in hashiiska dhowaan la kala seexan doono ee udhaxaysa Saddexda Dawladood Ethiopia, China, Iyo Somaliland uu yahay mid wanaagsan madaama uu yahay mid wax tar u leeyahay dalka.

Ugu danbayntii waxa uu gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka (Peace and development part ) uu faahfaahin ka bixiyay Xafiisyada ay ku lee yihiin dalka, waxana uu tilmaamay in xafiiska ugu weyni uu ka furan yahay Caasimada Somaliland, halka Gobolada iyo degmooyinka Dalkana ay doonayaan in ay dhowaan ka furan.
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: SPDPparty Chairman Ismacilyare Calls Buurmadow Boqorka J

Post by The_Emperior5 »

Ismacil adan Cismaan wa rageedi boqor buurmadow dhulku ku jiiday :lol: :lol:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”