
Boosaso ( RBC Radio) Waxaa maanta la doortay duqa Boosaso iyo ku-xigeenkiisa,doorashada oo ka dhacaday xarunta madaxtoyada magalada boosaso ayaa waxaa xaadiray dhamaan qaybaha kala duwan wasiirada dawlada Puntland,waxgarad,hooyoyin iyo maamulkii hore degmada bosaso.
Xaflada oo si toos ah u balaabatay Tobankii subaxnimo ayaa waxaa soo xaadiray 26-xildhaaban oo ka mid ah 29-ka xildhaabaan ee golaha deeganka degmada boosaso.
Waxaana dhamaantood ka muuqday diyar-garowga ku aadan doorashada maanta iyo cida ay u codeynayaa,iyadoona dhamaan musharixiinta yimaaden madasha.
Musharixiinta u sharaxan Gudoomiyaha degmada boosaso ayaa waxaa soo xaadiray Goobta.
Cabdulqaadir yusuf daahir
Xasan Cabdalle Xasan
Labadani musharax ayaa waxaa marka hore taariikhdisa ka akhriyay goobta C/qaadir yusuf daahir oo ahaan jiray ku xigeenka duqa Boosaso,waxaana uu ka sheekeyay Noloshiisi hore iyo waxa uu qaban jiray.
Isaga oo Markii uu dhameyay Taariikh Nololeydkiisa,Si lama filaan ah loogu dhawaaqay in uu booska gudoomiyaha degmada boosaso loo tanaasulay Xasan Cabdale.
Intaasi ka dib sawaxan iyo sacab ayaa goobta is-qabsaday waxaana dhinicaasana qudbad dheer halkaasi ka jeediyay duqa cusub ee Boosaso Xasan Cabdle Xasan oo ku dheeraaday noloshiisi hore iyo Waxa uu ka qaban doono Magalada boosaso.
Xasan Cabdala ayaa sheegay in magalada boosaso uu isbadal ku sameyn doono, Xaga maamulka dawlada hoose,isla markaasna dhisi doono hab maamul wanaagsan oo lagu dayan doono mustaqbalka dhow.
intaasi ka dib waxaa halkaasi Natiijada gudoomiyaha golaha deeganka Boosaso ku dhawaaqay Wasiirka Arimaha gudaha Puntland C/llahi Axmed Jamac oo sheegay in dhamaan 26-xubnood ee golaha yimid ay doorteen Xasan Cabdale in uu noqdo duqa Boosaso sidaasna ku yahay.
Waxaa sidoo kale loo guda galay doorashada ku xigeenka duqa Boosaso oo u tar-tamayen laba mushar balse uu maanta joogay madasha siciid C/raxmaan garoon,waxaana uu halkaasi ka sheegay Taariikhdiisa oo kooban.
iIsagoona qeexay in waxbadan uu la qaban doono duqa usub,shaqadiisana tahay la talinta duqa magalada,howshaasna waxabadan uu qaban doono.
Intaasi ka dib waxaa cod loo qaaday Siciid C/raxmaan,iyadoona dhamaan xildhibaanada golaha deegaanka boosaso ay cod Aqlabiyad ah ku Ansixiyeen,waxaana isla goobtaasi lagu dhaariyay Siciid C/raxmaan.
Geesta kalena waxaa halkaasi qudbado ka jeediyay wasiirada Amniga iyo Arimaha Gudaha oo Labadaba ka hadlay marxalada doorashada iyo habka ay maanta u dhacday.
Wasiirka amniga Puntland Khaliif ciise mudan oo halkaasi ka hadlay ayaa ku amaanay sida quruxda badan ee u dhacday doorashada golaha deeganka degmada boosaso iyo habka dimuqraadiyada ah ee laga gaaray doorashooyinka.
Khaliif ayaa dhinaca kale si toos ah ula hadlay duqa boosaso xasan Cabdale xasan oo u sheegay in ay hor-taagan tahay howl adag oo ku aadan arimaha amniga iyo horumarinta magalada ganacsiga Puntland.
Waxaana uu khaliif u rajeyay duqa cusub ee boosaso in uu waxbadan ka badali doono arimaha jidadka iyo Furitaankooda, isagoona u qaray in wasaarada amniga la shaqeyn doonto.
C/llahi axmed Jamac wasiirka arimaha gudaha dawladaha hoose ee Puntland ayaa mahad balaaran u celiyay dhamaan golaha shacabka boosaso oo sheegay in ay yihiin kuwo u soo jeeda tanta umada laga soo dhex doortay.
Waxaana uu sido kale ku sii hagay in ay ka shaqeyaan arimaha degamada iyo horumarintooda,taasi oo loo doortay uguna dhaarteen magaca alle.
Garaad C/llahi cali ciid Afhayeenka isimada Puntland oo gaba-gabadii halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in xilka laga Cararo ee aan loo Cararin,mar hadii la magacabay Xubanahana laga doonyo in ay waxbadan ka qabtaan Magalada ganacsiga Puntland.
Garaadka ayaa tibaaxay in Amaan weyn u soo jeedinayo dhamaan golaha deegaanka boosaso oo sheegay in ay maanta soo bandhigeen doorasho aan horey loo arag, ayna ku faraxsan yihiin.
Ugu danbeytiina golaha deeganaka degmada boosaso ayaa waxaa hor yaala howl adag oo la xiriirta horumarinta magalada,dhinacyada bilicda iyo dhismaha wadooyinka waaweyn ee xiran magalada boosaso.