Kulan u furmey dowlada PL iyo waxgaradka Mudug

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Kulan u furmey dowlada PL iyo waxgaradka Mudug

Post by FBISOMALIA »

Image

Kualnkan oo saaka abaare 8:00 subaxnimo 16 August, 2011 ka furmey xarunta Madaxtoyada Puntland ayaa waxa ka qayb galey Madaxwaynaha Puntland Dr. Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Faroole ,Ku xigeenka Cabdisamad Cali Shire,Gudoomiyaha Barlamanka Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi iyo qaar ka tiran golaha wasiirada, sidoo kale waxaa ka qaybqaadanayey kulankaasi waxgaradka Gobolka Mudug oo kor u dhaafaya 50 qof.

Kulankan ayaa khudbad furitaan ah waxaa ka jeediyey Madaxweynaha Puntland Dr. Faroole taasi oo dhinacyo badan taabanaysay wexeyna ka koobneyd warbixin guud oo ku saabsan Puntland iyo tan Somaliya kadibna waxaa la guda galay ajandaha shirka kuwaasi oo kala ahaa: Amaanka Gobolka Mudug,siyasaada iyo horumarka.

Image
Madaxweynaha ayaa xusey in amniga Gobolka Mudug uu muhiim u yahay jiritaanka Puntland maadaama uu ku yaalo iridda hore ee Puntland ,isagoo shacabka iyo waxgardaka kulanka ka soo qaybgaley ugu baaqey in loo baahanyahay midnimo si looga gudbo dhibaatooyinka jira.

Khudbadaas furitaanka kadib ayaa waxaa loo gudbey iswaraysi iyo xog waran ay bixiyeen xubnihii ka socdey Mudug oo kasoo qayb galay kulanka.

Kulankaan ayaa socondoona mudo 3 maalmood ah iyadoo la filayo inay kasoo baxaan go’aamo wax ku ool ah.

Xafiiska Warfaafinta Madaxtoyada Puntland ayaa idin lasoo socodsiindoona wararka iyo go’aamada kaso baxa kuwaasoo oo muhiimad gaar leh.
Last edited by FBISOMALIA on Tue Aug 16, 2011 7:12 pm, edited 2 times in total.
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Re: Kulan u furmey dowlada PL iyo waxgaradka Mudug

Post by FBISOMALIA »

....
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”