Page 1 of 1

southern Bandits been caught by nugaal police

Posted: Tue Aug 16, 2011 5:22 pm
by FBISOMALIA
Garowe(Puntlandi.com);- Ciidamada amaanka Gobolka Nugaal ayaa gacanta ku soo dhigay tiro dhalinyaraa oo laga shakiyay waxaana laga soo qabtay inta u dhaxaysa degmada Burtinle iyo Tuulada Jalam ee Gobolka Nugaal.

Taliyaha Qaybta Policka Gobolka Nugaal Col,Cismaan Xasan Cuuke (Afdalaw) ayaa sheegay in ciidamada amaanka gacanta ku dhigeen ilaa iyo 50dhalinyaraa oo qaarkood lugaynayeen halka qaybna gawaarida safarka saarnaayeen waxaana uu cadeeyay in dhamaantood ay ka soo jeedaan Gobolada koonfureed ee Dalka Somaliya.

Taliyaha ayaa sheegay in hawlgaladan maalmihii udaneeyay ay wadeen waxaana uu intaa raaciyay in ay uga goleeyihiin ka hortaga kooxaha fidnawadayaasha ee doonaya in ay khal khalgaliyaan amaanka guud ee mandiqada Puntland.

Dhalinyarada haatan laamaha amaanka gacanta ku hayaan ayaa lagu samaynayaa baaritaan waxaana looga shakiyay in ay qaybkayihiin dhalinyarada ka dagaalanta koonfurta Somaliya gacan saarna laleeyihiin shabakada dhalinyarada Alshabaab.

Afdalow ayaa ku goodiyay in ay ka hortagayaan cidkastaa oo isku dayda waxyeelaynta amaanka Puntland waxaana uu cadeeyay in maxkamad la soo taagidoono cidii danbi caynkaas ah lagu helo.