Degmada Boosaso Maanta yeelatay Gudoomiye iyo vice Gudoomiye

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Degmada Boosaso Maanta yeelatay Gudoomiye iyo vice Gudoomiye

Post by FBISOMALIA »

Image
Gollaha deegaanka Boosaaso oo dooranaya Guddoomiyaha Boosaaso

Boosaaso: (pp)- Xaflad si heer sare ah loo soo Agaasimey oo maanta ka dhacay Xarunta Aqalka Madaxtooyada Magaalada Boosaaso ee Xarunta Puntland , iyadoo maanta ay doorteen Xubnaha Gollaha deegaanka Boosaaso Gudoomiye iyo Gudoomiye ku-Xigeen.

Gudoomiyaha Degmada Boosaaso ayaa waxaa loo doortay Xasan Cabdala Xasan oo ka soo jeeda Degmada Boosaaso,iyadoo Ka ddib markii ninkii la tartamayey oo ahaa Gudoomiye ku-Xigeenkii Hore ee Degmada C/qaadir Yusuf uu Madasha kaga dhawaaqay inuu u tanaasuley Xasan sidaas daradeedna ay cod gacan taag ah ku Ansixiyeen Gollaha deegaanka degmada Boosaaso cod buuxa ay ku doorteen Guddoomiyaha Gollaha shacabka ahana duqa Degmada Boosaso Mudane Xasan Cabdala Xasan.

Markii Cod buuxa ay ku Ansixiyeen Gollaha Deegaanka Degmada Boosaaso Guddoomiyaha Degmada ayaa arrintaasi waxaa aqbalay oo si toosa ugu dhawaaqay Xilka Gudoomiyaha Wasiirka Wasaarada arrimaha Guddaha iyo Harumarinta reermiyiga General Cabdilaahi Axmed Jaamac ilkajiir oo u bogaadiyey sida wanaagsan ee ay u soo xusheen Masuulkan Gollaha shacabka degmada Boosaaso oo ay wasaaraduna goob joog ka tahay.

Intaasi ka ddib waxaa si toos isna loogu codayey Gudoomiye ku-Xigeenka Golaha shacabka Mudane Siciid C/raxmaan Maxamed oo isna uu Aqbalay codayntiisa Wasiirka Arrimaha Guddaha oo sheegay inay tahay Maqbuula habka ay u doorteen Gollaha shacabka Boosaaso,Intaasi kadib waxaa madasha qudbad ka soo jeediyey Wasiirka Amaanka & Arrrimaha gudaaha iyo madax kale oo ka mid ahaa isimada Puntland oo madasha duco ka aqriyey oo uu ka mid yahay Garaad CABDILAAHI CALICIID.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”