
Jalam (RBC Radio):- Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Nugaal G/sare Cismaan Xasan Cuuke (Afdalow) ayaa waxaa uu ka waramay howlgal dad lagu soo qab qabtey oo ay ciidamada Boolisku ka fuliyeen degmada Jalam ee gobolka Nugaal.
G/sare Cismaan waxaa uu sheegay in ay howlgal balaaran ka fuliyeen degmada Jalam isla markaana ay ku soo qab qabteen howlgalkaasi ku dhowaad 40 ruux, kuwaasi oo ka yimid koonfurta dalka Soomaaliya kuna socday magaalooyinka Boosaaso iyo Garowe.
Taliyuhu waxaa uu sheegay in dadka la qab qabtey looga shakisan yahay laba siyaabood oo kala ah in ay u socdeen falal amaan darro iyo in ay doonayeen in ay ka tahriibaan xeebaha Puntland oo ay safar sharci darro ah ku tagaan dalalka Yemen iyo Sucuudiga.
G/sare Cismaan Afdalow wuxuu sheegay in dadka ka yimaada koonfurta Soomaaliya ay soo qaadaan gaadiidleyda Puntland kuwaasi oo marka ay ku soo dhow yihiin magaalada Garowe ku daadiya duleedka magaaladaasi si ay uga dhuumaaleystaan ciidamada jooga barta kaantaroolka.
Taliyaha waxaa uu digniin u diray dhamaan gaadiidleyda Puntland oo uu ku wargeliyay in gaadiidka lagala wareegayo haddii ay soo qaadaan dadka ka soo qul qulaya koonfurta dalka Soomaaliya, wuxuuna intaa ku daray in howlgalada noocani ah ay si isku mid ah uga socon doonaan degmooyinka gobolka Nugaal ee soo xiga dhinaca magaalada Gaalkacyo.
Dadka looga shakiyo falalka amaan darro iyo kuwa loo qabto in ay tahriib doon yihiin waxaa ay ciidamada Booliska Gobolka Nugaal ay ka soo buuxiyaan gaadiidka shabaqlaha ee ay ciidanku ku qaadaan maxaabiista waxaana dadkaasi la keena magaalada Gaalkacyo oo lagu sii daayaa dambi kasta oo ay leeyihiin.
RBC Radio.

