Kulankan ayaa khudbad furitaan ah waxaa ka jeediyey Madaxweynaha Puntland Dr. Faroole taasi oo dhinacyo badan taabanaysay wexeyna ka koobneyd warbixin guud oo ku saabsan Puntland iyo tan Somaliya kadibna waxaa la guda galay ajandaha shirka kuwaasi oo kala ahaa: Amaanka Gobolka Mudug,siyasaada iyo horumarka.





Madaxweynaha ayaa xusey in amniga Gobolka Mudug uu muhiim u yahay jiritaanka Puntland maadaama uu ku yaalo iridda hore ee Puntland ,isagoo shacabka iyo waxgardaka kulanka ka soo qaybgaley ugu baaqey in loo baahanyahay midnimo si looga gudbo dhibaatooyinka jira.
Khudbadaas furitaanka kadib ayaa waxaa loo gudbey iswaraysi iyo xog waran ay bixiyeen xubnihii ka socdey Mudug oo kasoo qayb galay kulanka.
Kulankaan ayaa socondoona mudo 3 maalmood ah iyadoo la filayo inay kasoo baxaan go’aamo wax ku ool ah.
Xafiiska Warfaafinta Madaxtoyada Puntland ayaa idin lasoo socodsiindoona wararka iyo go’aamada kaso baxa kuwaasoo oo muhiimad gaar leh.
—Communications Office
The Puntland Presidency
Mudug


Faroole
