
Culimaa’udiinka magaalada Garoowe ayaa anfurid u sameeyay dadka barakacyaasha ee ku dhaqan magaaalada Garoowe kuwaasoo gaaraayay ilaa iyo 100 qof.
Shiikh Yaasiin oo katirasan culimada samyasay anfurkan ayaa Horseed Media u sheegay in dadkaan ay anfurada ay u samayeen ay yihiin dadka baarakacayaasha ee ku dhaqan magaalada Garoowe kuwaasoo aan awoodin in ay helaan dhaqaalo ay ku samaysataan anfur.
Shiikha ayaa xusay in lacgata barakacayaasha ay ku anfuriyeen ay tahay mid ka timid dad Turkiyiin ah oo ku nool dalka Kanada kuwaasoo ugu soo dhiibeen gabar lagu magacaabo Sahro Cabaas Faarax oo ku nool dalka Kanada, gabadhaas oo lacagta u wakiilatay Dr.C/naasir Cuuke oo isaguna anaga noo dhiibay si aanu ugaarsiino dadka aan awoodin in ay helaan anfur.
Culimada ayaa iyagu sanad kasta qabta barnaamij lagu magacaabo ku afuri walaal kaaga muslinka ah hal doolar iyo bar maalintii waxaana barnaamijkaa ay culimadu ay ka qabtaan masaajidada waawayan ee magaalada Garoowe si ay dhaqaalo ugu uruuriyaan dadka aan haysan waxaa ay ku afuraan, Bisha Ramadaan
Sikastaba ha ahaatee culima’udiinka ayaa ugu baaqay qof kastoo muslim ah oo awooda inuu sadaqo labaxo meel kastoo uu joogo in uu ku caawiyo dadka muslimiinta ah ee aan haysan wax ay ku anfuraan isagoo xiriir la samayaan Culimada sida tabarucaadka ugu hawlan barnaamijkaan ayna la xiriiraan culumadaa oo ay ka heli karaa Teleefanka ah Shiikh Yaasiin 252 90 724462
Maxamed Saciid Yuusuf
Wakiilka Horseedmedia
Garoowe-Puntland
