Page 1 of 1

W.Qorshaynta & Xiriirka Calamiga pland Ruqsadii Ururo Maxali

Posted: Thu Aug 18, 2011 9:28 am
by FBISOMALIA
Image

Garowe ( RBC Radio ) : Wasaarada Qorshaynta & Xiriirka Caalamiga ee Puntland ayaa kala Laabatay Ruqsadii Ururo Maxali ah oo ka Howlgalayey Deegaanada Puntland .

Tirada Ururadan Aqoonsiga laga Laabtay ayaa Dhan 273 Urur .

Madaxa Xafiiska Ururada Maxaliga ( LNGOs Desk ) Axmed Xariir Gaas ayaa Raxanreeb uga Warbixiyey Arinta Keentay joojinta Ruqsadaan waxaana uu sheegay in ay timi ka Gadaal Markii ay u Hogaansami Wayeen Awaamiirta Wasaaradda Qorshaynta.

Gaas ayaa sidoo kale Sheegay in Badashada NGO yada ay Keentay Isbarbaryaac Farabadan oo la soo Gudboonaaday Habsami u socodka Ururada Maxaliga ah ee Puntland.

Gaas ayaa sidoo kale Xusay in Wasaaradu u Gudubtay Nidaam Casri ah ( Online Data Base ) Halkasoo Laga Helidoono Dhamaan Xogaha Ururada Maxaliga ah ee Puntland .

Wixii Faahfaahin ah oo Intaa Dheer Booqo Ciwaanka Website ka Wasaaradda Qorshaynta & Xiriirka Caalamiga ah,ee ka Muuqda Waraaqda Hoose.