Turkey's Prime Minister Tayyib Arrives In Mogadishu !!!
Posted: Fri Aug 19, 2011 2:14 am
Ra'iisul Wasaaraha dalka Turkiga iyo Wafdi uu hogaaminayo Recep Tayyib Erdogan ayaa goor dhow waxay ka soo dageen Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, iyadoo munaasabad lagu soo dhoweynayo Wafdiga ay iminka ka socota.
Wafdiga ayaa ka soo dagay Garoonka abaarihii 8:15, iyadoo labo diyaaradood ay ka soo degtay Garoonka, kuwaasoo sida wafdiga uu hogaaminayo Ra'iisul Wasaaraha.
Garoonka Diyaaradaha ayaa waxaa ku sugan Madaxda ugu sareysa Dowladda KMG sida Madaxweynaha oo soo dhowenaya wafdiga Ra'iisul Wasaaraha Turkiga.
Xubnaha Wafdiga ayaa lagu sheegay inay gaarayaan ilaa labaatan xubnood oo ka soo kala degaya Labada diyaaradood, iyadoo ay wehliyaan Ciidamo gaar ah oo sugaya ammaanka wafdiga Ra'iisul Wasaaraha.
Astaanta Calanka Dowladda Turkiga ayaa hada la garaacayaa, sidoo kale Ciidamada qalabka sida ayaa u diyaarsan inay salaan sharaf ka qaataan Ra'iisul Wasaaraha Turkiga.
Dadweyne fara badan oo soo dhoweynaya iyo kooxaha fanaaniinta ayaa ku sugan garoonka oo soo dhoweynay wafdiga, waxaana qaban qaabada ay tahay mid aad u xoogan.
Ammaanka magaalada ayaa ah mid aad loo adkeeyay, dhaq dhaqaaqii ganacsiga iyo isu socodka ayaa ah mid gebi ahaanba hakad ku jira, ma jirto wax gaadiid oo shaqeynaya, wado kasta ayaa waxaa taagan Ciidamo isugu jira Boolis iyo Milateri.
Ra'iisul Wasaaraha Turkiga ayaa la filayaa inuu booqdo xeryaha barakacayaasha, halkaas oo Ciidamo la geeyay, iyo Isbitaalada, iyadoo la filayo in Madaxtooyada uu kulan kula qaato Madaxda ugu sareysa.