Faroole oo qaabilay wafdi kuwaitiyan ah

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Faroole oo qaabilay wafdi kuwaitiyan ah

Post by FBISOMALIA »

Image

Xarunta Madaxtoyada ayaa cawa waxa ka dhacey kulan ay isugu yimaadeen madaxda dawlada Puntland iyo masuuliyiin ka socday dalka Kuwait.

Madaxweynaha dawlada Puntland Dr,Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Faroole,kuxigeenka Gen,Cabdi samad Cali Shire,wasiirka gaadiidka iyo hawlaha guud ee Puntland Daahir Xaaji Khaliif,Wasiir ku xigeenka caafimaadka Maxamed Xirsi Ducaale iyo Madaxda Hayada Daryeelka Bulshada Puntland(PASWE) ayaa ka joogey kulankan horaantiisi la isla afurey

Image

Dhanka wafdiga ka socday dalka kuwait ayaa waxa hogaaminayey madaxa laanta Afrika u qaabislan hayada noleynta hidaha islaaamka ee dalka kuwait Shiikh Jaasim Maxamed,waxana lasocdey la taliyihiisa Caadil Cabdiraxman Khaliifah iyo masuulka warfaafinta u qaabilsan jamciyada Cabdul Muxsin Cabdala Xamdan iyo Saraakiil kale oo iyaguna katirsan xafiiska jamciyada laanteeda qaarada Afrika.

Madaxda dawalda ayaa kala hadley kuwait wafidgii kasocday arimo dhawr ah ayna kamid ahayd sidii lo horumarin lahaa mashaariicda lagu taakulaynayo dadka tabaaleysan ee puntland u soo barakacey.

Socdaalka aya ku yimaadeen masuuliyiintan kasocday dalka Kuwait deeganada puntland ayaa lagu micneeyey sidii ay indhahooda ugu soo arki lahaayeen xaalada bini'aadanimo sidoo kalena gargaar u qaybin lahaayeen dadka kasoo barakacayaasha ah ee koonfurta somaliya kasoo baxsadey dhibaatada.

Wafdigan ayaa soo gaarey deegaanada Puntland 15 kii bishan Aug waxana ay gargaar u qaybiyeen barakacayaasha Puntland ku sugan ee joogaa magaalooyinka bosaso,qardho iyo garowe .
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”