Page 1 of 1

PM visits Benadir hospital + UAE donates medical Equipment

Posted: Sat Aug 20, 2011 1:31 pm
by Coeus
Image
Sabti, August 20, 2011(HOL): Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Mudane Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa galabta booqday Bukaanada ku jira Isbitalka hooyada iyo dhalaanka ee Banaadir isaga oo maamulka Isbitaalkana ku wareejiyay deeq daawo ah oo ka timid ninka iska leh dhaxalka Imaaraadka Carabta Sheekh Suldan bin Khalifa Bin Zayed Al-nahyan.

Deeqdan dawada ah ayaa isugu jirtay kuwa caruurta gaar ahaana Faleebooyinka fuuq baxa iyo dawooyin kuwa nafaqeeyo caruurta ah waxayna ku jirtay sanduuqyo waaweyn iyo Kartoono iyadoo Ra’iisul Wasaare Dr. Cabdiweli uu ku wareejiyay Agaasimaha Isbitalkaasi Banaadir Dr. C.risaaq Xasan Cali.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa u mahadceliyay dowladda Imaaraadka Carabta oo uu sheegay in mar kasta ay taageerto Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay dowladdaha kale ee Carbeed inay labo jibaaraan kaalmadooda.

Agaasimaha Isbitaalka Dr. C/risaaq ayaa isaguna sheegay in dawooyinkan ay wax badan ka tari doonaan baahida loo qabo daawooyinka caruurta maadaama maalin kasta Isbitaalka la keeno caruur uu hayo shuban biyood (Chelora) iyo nafaqo darri wuxuuna xusay in ay shacabka u gaarsiin doonaan si siman oo lacag la’aan ah.

Image
Image


Xafiiska Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya
Muqdisho, Soomaaliya

Re: PM visits Benadir hospital + UAE donates medical Equipme

Posted: Sat Aug 20, 2011 2:20 pm
by FBISOMALIA
Sheikh sultan is my favourite Sheikh in UAE he love somalis to much like his dad AUN , really thx to him :rose:

Re: PM visits Benadir hospital + UAE donates medical Equipme

Posted: Sat Aug 20, 2011 4:05 pm
by quark
UAE :up:

Re: PM visits Benadir hospital + UAE donates medical Equipme

Posted: Sat Aug 20, 2011 5:01 pm
by TheblueNwhite
TFG :up: :som: :up: