Posted: August 21/2011, 12:20 pm
Koox ay tiradoodu tahay ilaa 15 oo ay farta ku xusheen shaqsiyaad tiro yar oo la shaqaysta xukuumada Siilaanyo ee maamulka Somaliland ayaa maalintii jimcaha ee 19 August 2011 gaadhay Magaalada Buuhoodle ee gobolka Cayn.
Ujeedada kooxdan Buuhoodle loogu diray waa inay kala furfuran talada iyo isku duubnaanta masuuliyiinta degaanka Hawdka oo ka midaysan khataraha muuqda iyo kuwa lasoo qariyey ee loo soo adeegsanayo dadka degaanka u dhashay iyo kuwo magaca Dhulbahante waxku khaldaya, Qurba joogta reer Buuhoodle ee Yurub iyo waqooyiga Maraykanka waxay ogaadeen in Kooxdan loo soo diray inay degaanka Buuhoodle ka abuuraan kala qaybin, iska horimaadyo iyo xasilooni la,aan la mid ah kuwii Laascaanood laga sameeyey ee suurta geliyey in lakala qabsabo.
Ujeedadoodu waxay la mid tahay Kalshaale 1 laakiin hubka ay ku dagaalamayaan hadda waa khiyaamo dadka dagaalamayaana qaar magaca reerka isku qarinaya.
Taasi waxay shacabka iyo masuuliyiinta Gobolka Cayn ku keenaysaa khatar ka wayn tii Kalshaale 1.
Shaqsiyaadka tirada yar ee kooxdan soo dirtay waxay degaamadoodii dhamaantood hoos geeyeen Maamulka Somaliland. Ceerigaabo illaa Laascaanood, Taleex ilaa Saaxdheer, Kalabaydh ilaa Widhidh ayay geeyeen maamul askari qori caaradii ku fullinayso shacabkana siddii xukumadii gumaystayaasha ulla dhaqmayaan.
Khariidada hoosta ku sawiran ayaa muujinaysa in Degaanka Buuhoodle yahay meeshii ugu dambaysay ee ka xor ah dhibaatada dhulbahante isu gaysanayo.
Isagana hadda ayaa wixii khayrkii lagu sameeyey maalin cad loola soo badheedhay Qurbo joogta khiyaamada kooxdan ishortaagtay ee kasoo digtay iyo masuuliyyinta degaanka ee ka hadlay kooxdan sida mooryaanka u shaqaysanaya magacii Dhulbahantana ka dhigtay shirkad ay shilimo ku urursadaan maamulka Somalilandna cad quudheed kaga cunaan ayaa ku mahadsan.
Madax dhaqameedyada iyo odayaasha, culimada diinta, ganacsatada, ciidamada difaaca iyo ciidamada amaanka, dhallinyarada iyo dhamaan waxgaradka gobolka cayn waxaanu kula talinaynaa inay iyaga oo midaysan ka hortagaan “Munaaqfaqnimada magaca qabiilka lagu qarinayo iyo dulmi wadayaasha dadkiina iska dhigaya”
Dambiyadii hore kooxdan Waxaa yaab leh in danaystayaashan iyo dillaalada ay la shaqaystaan ku takrifalayaan oo adeegyadooda khiyaamada ah ku fushanayaan dhaqiilihii qurbajoogtu u ururisay reer Buuhoodle markii dhibaatooyinku gaadheen.
Dhaqaalaha lagu aaminay ee ay lunsadeen iyo kuwa ay jujuub iyo been abuur kula wareegeen ee lasoo xaqiijiyey waxaa ka mid ah;
1. Dagaalkii Ciidamada Itoobiya iyo reer Buuhoodle waxaa la ururiyey 90,000 oo doolarwaxaa Buuhoodle gaadhay – 00
2. Dagaalkii kalshaale waxaa la ururiyey 70,000 oo doolar waxaa Buuhoodle gaadhay – 5000
3. Ciidamada Buuhoodle waxaa dagaalkii ka dib ingiriiska looga ururiyey 20,000 oo doolar Waxaa Buuhoodle ka gaadhay – 00
4. Norway waxaa laga ururiyey illaa 26,000 oo doolar Waxaa Buuhoodle ka gaadhay – 00
Dadka Buuhoodle tegay iyo inta ay la shaqaystaan ayaa loo tiranayaa xoolahaa maqan.
Lugooyada, dhabarjebinta, kala qaybinta iyo iska horkeenka ay shacabka isku midka ah ee Buuhoodle u gaysteen wakhtiyadii ay ugu xumayd ee aan qofna xumaan intaa le’eg ka filanahayn dad magic kula sheeganaya ayaan lasoo koobi Karin. Waxaanu kusoo gunaanadaynaa maahmaahda cusub ee ah “Dhulbahante wuxuu wada leeyahay iyo wuxuu kala leeyahay hakala garto”. Reer Buuhoodlow is waydiiya “dadka doonaya inay gurigiina idiin gacan dhaafaan guryahoodii meeye?”
Qurbajoogta reer Buuhoodle ee Yurub iyo Waqooyiga Maraykanka
Source1: http://www.xaysimo.com/index.php?link_id=news:3100
Source2: http://taleex.net/2011/08/21/ka-hortegi ... e%e2%80%9d
Source3: http://www.buhodlepost.com/?p=7076


