Page 1 of 1

Construction of roads to Bakara + Opening of Bakara (pics)

Posted: Mon Aug 22, 2011 7:51 am
by Coeus
Shacabka Muqdisho oo soo dhaweeyay wadooyinka la furay

Image

Shacabka ku dhaqan magaalada Muqsdisho ayaa si wayn u soo dhaweeyay howllaha dib loogu furay wadooyinka magaalada ee dagaallada ku xirmay iyadoo dhinaca kale uu maamulka goboka sheegay in ay sii wadayaan arrimahaasi dib u hagaajinta ah.

Iyadoo maalinimadii shalay la furay qaar kam id ah wadooyinka magaalada Muqdisho kaddib dib u hagaajin ay halkaasi ka bilaabeen maamulka gobolka Banaadir oo kaashanaya shacabka magaalada ku dhaqan.

Qaar ka mid ah shacabka ku sugan magaalada Muqdisho oo La hadlay Radio Muqdisho ayaa si diiran u soo dhaweeyay howllaha dib loogu furayo wadoonka caasimada ee Muqdisho kuwaasi oo ku xirmay dagaalladii ka dhacay magaalada waxyna intaa ku dareen in ay ku faraxsan yihiin arrimahaasi maadaama aysan in muddo ah isticmaalin wadooyinkaasi .

Sidoo kale dadka ku soo barakacay magaalada Muqdisho gaar ahaan wadada isku xirta Dabka iyo Bakaaraha ayaa dhinacooda tilmaamay In ay soo dhaweynayaan in dib loo hagaajiyo wadooyinka islamarkaana la furo dhammaan meellihii laga xureeyay kooxda Shabaab, waxay intaa ku dareen in markii hore aanu gargaarka loo soomarsiin Karin wadooyin magaalada maadaama ay inta badan ku xirmeen dagaallada balse hada gurmadka meel walbo loo soo marsiin karo.

Dhinaca kale agaasimaha waaxda Nadaafada ee maamulka gobolka Banaadir Xuseen Abtidoon Warsame oo warbaahnta qaranka la hadlay ayaa sheegay in maamulka gobolka howllaha uu ka wado wadooyinka magaalada uu sii wadi doono islamarkaana ay howllahaasi socon doonaan muddo afar maalmaad ah, isagoo xusay in ay fureen wadooyin badan oo ayka mid yihiin wadada isku xirta Tarbunka illaa isgoyska KPP ee magaalada Mudisho oo wadada Wadnaha ka mid ah.

Arrintaasi ayaa ku soo aadeysa xilli caasimada laga xureeyay kooxdii burburtay ee Shabaab islamarkaana ay ku burbureen wadooyin badan intii ay dagaallada socdeen iyadoo ammaanka magaalada ay sugayaan cidamada dowladda Soomaaliya ayaa waxaa barbar soconayaa howlo fara badan oo dib loogu soo celinayo adeegyadii bulshada oo ay gacan wayn uu ka geesanayo maamulka gobolka Banaadir.



Image
Image
Image
Image

Re: Construction of roads to Bakara + Opening of Bakara (pic

Posted: Mon Aug 22, 2011 7:57 am
by greenday
Is that not a narrow road for Bakara? Everyone should be asked to come out and build the roads :up:

Re: Construction of roads to Bakara + Opening of Bakara (pic

Posted: Mon Aug 22, 2011 8:03 am
by Coeus
greenday wrote:Is that not a narrow road for Bakara? Everyone should be asked to come out and build the roads :up:
I dont knoe, but it says it leads to bakara. And yeah i hope they collectivly help eachother :up:

Re: Construction of roads to Bakara + Opening of Bakara (pic

Posted: Mon Aug 22, 2011 8:06 am
by XaliimoFarax
Mashallah a good start :up:

Xamar here I come inshallah

Re: Construction of roads to Bakara + Opening of Bakara (pic

Posted: Mon Aug 22, 2011 8:48 am
by quark
:som: :up:

Re: Construction of roads to Bakara + Opening of Bakara (pic

Posted: Mon Aug 22, 2011 10:26 am
by samadoon-waaxid
it should be illegal for TFG to call two packs of sement a road constructions for the sake of PR :down:

Re: Construction of roads to Bakara + Opening of Bakara (pic

Posted: Mon Aug 22, 2011 10:28 am
by FBISOMALIA
xamar should do more then that but beginning is better then nothing :up: