Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
Diyaargarowga Ciidda oo ka socda Kismaayo (SAWIRRO)
Isniin, Ogoosto 22, 2011 (HOL) – Xilli ay fooda nagu soo heyso ciida barakeysan ee ciidul Fitriga oo ah ciid aad ugu weyn dadka Muslimiinta ah ayaa waxa diyaargarow ku aadan ciidaasi laga dareemayaa Magaalada Kismaayo ee Xarunta Goobolka Jubbada hoose.
Goobaha sida aadka ah looga dareemayo mashquulka ku aadan u diyaargarowga ciida barakeysan ee ciidul fitriga waxa kamid ah Suuqa weyn ee dharka lagu iibiyo ee loo yaqaan Balcadka ee magaalada Kismaayo, waxaana suuqani saaka ka adeeganaya dadweeyne aad u tiro badan.
Bashiir Daahir oo kamid ah ganacsatada dharka ee suuqaasi oo HOL uga waramayay dhaqdhaqaaqa suuqa ayaa sheegay in mudooyinkan danbe ay sidar dar leh ku socoto howlahooda shaqo isagoona sheegay in xilligani siweyn loo iibsanayo badeecooyinka ay iibshaan.
Dadka suuqa ka adeeganayo ayaa u badan Caruur, Haween iyo dhalinyaro, waxaana dadkani ay suuqa ka iibsanayaan dharka noocyadiisa quruxda badan oo ay is leeyihiin maalinta ciida waad ku labisan kartaa.
U diyaargarowga ciida barakeysan ee ciidul fitriga ee laga daremayo gudaha magaalada Kismaayo ayaa kusoobeegmeysa xilli lagu gudo jiro 10-kii u danbeeyay ee bisha barakeysan ee ramadaanka islamarkaasina ay maalmo qura ka harsanyihiin ciida weyn ee ciidul fitriga oo ah ciid ay siweyn ugu dabaaldegaan muslimiinta ku nool Caalamka.
Inkastoo ay dadka ku dhaqan magaalada Kismaayo intooda badan doonayaan in ay farxad uga qeybqaataan ciida barakeysan ee Ciidul fitriga ayaa hadana waxaa jira caruur iyo dhalinyaro fara badan oo aan iyagu farxadaasi qeyb ka ahayn kuwaa oo ku dhaqan xerooyinka dadka barakacayaasha ee Magaalada Kismaayo, islamarkaasina la haadaa dhacaya raashiinka quutul duruuriga ah, waxaana ay dadkani Allah ka sokow garab ka sugayaan Walaalahooda Musliminta ah ee awooda in ay gargaaraan