
Diyaarad sidday deeq Dawo ah oo ka timid dalka Jabuuti ayaa maanta soo gaartay magaalada Muqdisho iyadoo deeqdaasina lagu wareejiyay Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda KMG ah.
Danjiraha dowladda jabuuti u fadhiya Muqdisho Dayib Dubad Rooble ayaa deeqdaasi ku wareejiyay wasiirka wasaaradda caafimaadka C/casiis Sh. Yuusuf, wuxuuna intaa ku daray in dowlada Jabuuti ay bixin doonto intii ay awoodi karto oo gargaar ah isagoo xusay in ay jiraan deeqo kale oo dhawaan soo gaari doono Muqdisho.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka C/casiis Sh. Yuusuf oo guddoomay deeqdaasi ayaa uga mahadceliyay dowladda jabuuti ee aan walaalaha nahay sida ay u gargaarayaan walaalohooda Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay in deeqdani ay u qeybin doonaan cisbitaalada Muqdisho si loogu daweeyo dadka u baahan.
Dowladda Jabuuti ayaa ugu horreeysa wadamada muujiyay sida ay uga damqanayaan dhibaatada heysata dadka Soomaaliyeed ee ay saameeynta adag ku yeelatay abaarta ka taagan dalka.