Sharif sakin with Delegation on his way to Kenya

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
Coeus
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11709
Joined: Fri Nov 19, 2010 6:59 pm
Location: Assisting the Mujahideen in Galgala to free their region

Sharif sakin with Delegation on his way to Kenya

Post by Coeus »

Image


Waxaa galabta gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya Wafdi uu hogaaminayo gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan kuwaasi oo ka ambo baxay magaalada Muqdisho.

Wafdiga Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxaa ka mid ah Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya waxaana kusoo dhoweeyey garoonka diyaaradaha Joma Kenyata ee magaalada Nairobi mas,uuliyiinta Safaaradda Soomaaliya ee Kenya iyo Mudanayaal Baarlamaanka ka tirsan oo horey u joogay magaalada Niarobi.

Magaalada Niarobi inta uu joogo Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan waxa uu halkaasi kula kulmi doono xubno ka tirsan Beesha Caalamka,Safiirro iyo Mas’uuliyiinta hay’adaha ee xafiisyada arrimaha Soomaaliya quseeya mas’uulka ka ah.

Kadib magaalada Nairobi Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya waxa uu usii gudbi doonaa dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya halkaasi oo uu utagayo gudashada Cimrada.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”