
Telefishanka Qaranka oo markii u horaysay laga daawaday Yurub
August 23rd, 2011
Hargeysa (Somaliland.Org)- TV-ga qaranka ayaa markii u horraysay caawa si toos ah looga daawaday dalalka qaarada Yurub, sida uu noo sheegay Agaasimaha Telefishanka qaranka Axmed Saleebaan Dhuxul.
TV-ga qaranka waxa uu galay Satalayt-ka Hot-bird waxaana laga daawanayay Frequency-ka ah 1156627500, waxaana la sheegay in xukuumadda Somaliland ay bixisay kirada hawada ee Satalayt-ka muddo sadex sanadood ah.
Wadamada sida weyn looga daawaday TV-ga qaranka waxa ka mid ah dalka Ingiriiska oo dadweynuhu ay soo dhaweeyeen baahinta Telefishanka SLNTV ee soo gaadhay qaaradda yurub markii u horaysay.
Xubno ka mid ah qurbo jooga Somaliland ee wadanka Ingiriiska oo aanu farriimo qoraal ah ka helay ayaa noo xaqiijiyay arrintan Waxaanay tilmaameen inay si niyadsamiya u soo dhawaynayaan TV-ga qaranka oo baahintiisii soo gaadhay dalka Britain oo ay sheegeen inay ku nool yihiin muwaadiniin aad u tiro badan oo u dhalatay Somaliland. Waxa kale oo ay sheegeen in tallaabadani ay kaalin weyn ka geysan doonto sidii ay iskugu xidhnaan lahaayeen dawlada Somaliland iyo shacbiga qurbo jooga ahi.
Tallaabadani waxay ka mid tahay balan qaadkii xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ee la xidhiidhay tayaynta iyo balaadhinta warbaahinta qaranka oo la fuliyay. Waana dedaal ay hirgelisay wasaaradda warfaafinta iyo wacyi gelinta Somaliland oo bisha fooda inagu soo haysana lagu wado inay dalka keento Idaacadii weynayd ee wadanka oo dhan gaadhi lahayd.


